Ra’isul wasaaraha Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa maanta kulan la yeeshay gudiga xalinta khilaafaadka Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shirsan magaalada Muqdisho isagoo sidoo kale kulan la qaatay gudiga farsamada ergooyinka ansaxineysa dastuurka dalka.
Kulanka uu R/wasaare C/weli la qaatay gudiyada farsamada iyo xalinta khilaafaadka ee Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay kaga hadlayeen howlaha gudiga farsamada ee ku aadan qabsoomida shir weynaha ergada ansaxinta dastuurka oo maanta lagu balansanaa in Muqdisho lagu qabto, sidii loo dadajin lahaa ansaxinta dastuurka iyo soo xulitaanka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
markii uu soo gabagaboobay kulankaasi kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil oo kulanka R/wasaaraha gudiyada farsamada iyo xalinta khilaafadka ee uu laqaatay goob joog ka ahaa.
Wasiirka ayaa waxa uu warbaahinta uga warbixiyay waxyaabaha ay uga hadleen kulanka ay la qaateen gudiyada waxa uuna xusay in ay kala hadleen sidii loo dadajin lahaa dhameystirka soo xulida gudiga ergada ansaxinta dastuurka.
dhinaca kale wasiirka dastuurka oo wax laga weydiiyay sababaha keenay in maanta uu baaqdo shirka Ergada ansaxinta dastuurka ee lagu balansanaa in uu furmo 21 bishan ayaa waxa uu sheegay in uu u baaqday arrimo farsamo.
Shirka ansaxinta dastuurka oo maanta lafilayay in uu si rasmi ah uga furmo magaalada ayaa mas’uuliyiinta dowladda waxa ay sheegeen in arrimo farsamo awgeed uu dib ugu dhacay iyagoo ku macneeyay in qaar ka mid ah qalabka lagu sugayo amaanka Ergada ee laga sugayay dibada uu dib u dhac ku yimid.
R M
