Shirkii Isimada Qaba’ilada ee soo xulida ergooyinka oo maanta baaqday

Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sheegtay in dib uu dhac ku yimid shirkii ergada ansixinta Dastuurka ee maanta ka furmi lahaa Muqdisho.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arimaha Cabdi Cali oo saaka la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in cillad farsamo darteed uu dib u dhac ku yimid shirkii ergooyinka ee maanta ka furmi lahaa Muqdisho.

Sidoo kale wasiirka ayaa intaa ku daray in aan wali la dhameystirin kaararka aqoonsiga ee ergada shirka iyo isku dubaridka howlaha shirkaasi, isago tilmaamay in shirkaasi uu dib u dhacay isla markaana sida uu sheegay uu furmi doono 23-ka bishan.

 

 

SONNA

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS