Ninbaa waxaa laga hayaa “Waxaan Uubateeyaba Tolkeey Ooda Soo jebi” kadib, markii la dareemay isbadel dhanwalba leh, inuu dalkii Somaaliya fooda la galayo, ayaa judhiiba waxaa bilawday xusul duub siyaasadeed, oo laga dareemayo dibad iyo gudaba.
Inkastoo, damacu uu halkiisii yahay, Haddana waxaad moodaa iney culays dareemay kooxihii calan-waleen jiray, Qoriguna gaashaanka u ahaa, labaatankii sannee la soo dhaafay. Waayo waxaa mar qura Ooda soo jabsaday qolooyinkii laga horayey deegaanadoodii iney jaanta soo dhigaan.
Teelada Siyaasadeed, waxaa laga yagleelay caasimadda dalka Somaaliya ee Mugdisho. Reer Waamo, aan looga baran iney soo fariistaan madal caynkan, marka laga reebo Teleconference-yada aynu isku hiifi jirnay, ayaa Saaka soo buux dhaafshay halka Balaga laga lulay.
Ku dhowaad Labaatameeyo reerwaamo ah, oo aan ugu magacdaray WaamoG20, ayaa haatan ku sugan magaalada Mugdisho, kuwaa soo isugu jiro Aqoonyahano, Wax-garad, Siyaasiyiin, Saraakiil, Odoyaal, Ganacsato, iyo Culimaa’udiin. oo isugu jira rag iyo dumar ayaa u muuqanaya kuwii noqon lahaa SYL-shii, waamo, kadib markii ay ka tageen danhooda gaarka ah, Sida la filayana Geed dheer iyo mid gaaban u fuuli doono sidii talada Gobolada Jubbooyinka loogu soo celin lahaa dadka deegaanka u dhashay.
Gobolada Jubbooyinka, mudooyinkii ugu danbeeyey hoggaankeedu waxaa sutida u hayay baa la lee yahay dad aan ehel u aheyn. taasoo sababtay inuu deegaankaasi noqdo mid aad iyo aad u baaba’san dad iyo deegaan labaduba, marka la bar-bardhigo gabolada dalka intooda kale.
Sidaasi awgeed waxaan safxadaan ku soo afmeerayaa, kooxda WaamoG20, waxaan lee yahay “Libin Nin Holaa Hela” oo waxaan aamin-sanahay inaad howl fiican qabateen bacdamaa aad xaruntii Mugdisha saaka dhex taagan tihiin oo aheyd halka Sartu ka qurun saneyd, siyaasada Jubbooyinkana ka degi weyday. Tan xigtaana way muuqataa in arinteenii ka gudubtay Teleconferece.
Waxaanse filayaa durba’ in qeytiiba la idin weydaarshay oo Keren,Nairobi. cisho dhoweyto lagu qeybsaday, marka siba si ayey dhaantaa, oo Haddaan Kooyne, shaqeynmeyso ee Odoyaal dhaqmeedyadiina intaad hoosta ka gashaan bal xildhibaan la’aaan ha soo noqonina, taa waa iga dar-daaran. haddey taa idiin shaqeyn weydo, waxaan maqli jiray “if you can’t beat them, join them” waxaa lama huraan noqoneysa inaad la shaqeysaan Group-kii Keren, Nairobi.
By Mustafa Haji
