Qarax ka dhashay gaari uu la socday Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Bani’aadanimada Maxamuud Cabdi Garweyne ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Bacadlihii hore ee degmada Xamar weyne, iyadoo dhaawacyo ay ka soo gaareen qaar kale oo Ilaaladiisa ahaa.
Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ee loo yaqaano Kaarib ayaa markii hore loo maleynayay inuu ahaa mid ismiidaamin ah, hase ahaatee markii dambe la ogaaday in gaariga qaraxa uu saarnaa, dabadeedna uu qarxay.
Meydka Wasiirkii hore Ganacsiga iyo Bani’aadanimada Maxamuud Cabdi Garweyne ayaa daqiiqado ka hor laga soo saaray gaariga, inkastoo qaar ka mid ah jirkiisa ay go’ go’een, waxaana uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax) ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in qaraxa uu ku dhintay Maxamuud Cabdi Garweyne.
“Waxaa ka dhacay meesha la yiraahdo Bacadlihii hore Xamar weyne iyo inta u dhaxeysa Guryaha Uunlaaye ayaa baabuur socda uu wato wasiirkii hore Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne ayaa qarax ka dhacay asigaa ku dhintay, niman la saarnaayeen ayaa wax gaareen, hadii arrintaas la eegana sida ay u dhacday miino asiga loo geliya baabuurka ayay u egtahay, qaabka wax u gaarsiisay iyo qaabka ay qaraxday”ayuu yiri Warsame Joodax oo Wariyaha Jowhar.com qadka taleefanka kula hadlay.
Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa soo gaaray goobta qaraxa ka dhacay, iyagoo xiray wadada, waxaana xaalada qeybo ka mid ah degmada Xamar weyne ay noqotay mid kacsan, iyadoo ay istaageen ganacsigii qaar ee suuqa ka jira.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay baaritaan ku sameynayaan qaraxa iyo qaabka uu u dhacay oo ahaa mid qorsheysnaa oo gaariga loogu xiray Wasiirkii hore Ganacsiga Maxamuud Cabdi Garweyne.
Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne ayaa horay xukuumadihii Farmaajo iyo xukuumadii Cumar C/rashiid wasiir ka soo noqday, iyadoo uu ka mid ahaa Isbaheysigii dib u xoreynta ee Asmara lagu soo dhisay, markii dambena Jabuuti garabkii Shiikh Shariif hogaaminayay dowlad midnimo qaran lagu soo dhisay.
Qaraxan ayaa noqonaya nuuciisa kii u horeeyay Xildhibaan ka tirsan dowladda lagu bartilmaameedsado gaarigiisa, isla markaana kursigiisa qarax loogu xiro, inkastoo aanay wali cidna sheegan




