CILAAQAAD XUMIDA KA JIRTA DA’DA WAAWEYN IYO DA’AHA KA YARYAR,AYAA KA MID AH, ISMARIWAAGA SIYAASADDA DHULBAHANTE IYO SOMAALIDABA

Wixii dhacay dhace, wixii tegey tiigsimaad ma leh,ninka raga ahi waa kii hore eega ee aan gadaal eegin,waddadii caddayd ee ugu toomoonayd haddaad cagta saartay maanta waa Saleman Isse(xaglatoosiye) saamigii loolanka siyaasadeed aad ku lahayd inaad ku soo baxdo Dhulbahante dhexdiisa aad iyo aad bay kor ugu kacday,ishana waan kugu haynaa,ha moodin inaad keligaa tahay,garabkaaga iyo gadaashadaba waan soconaa.

Mar haddaad raganimadaadii iyo aqoontaadii jeebka kala soo baxday, waannu daawanay soo dhoweyntii iyo damaashaadkii reer Buhoodle fagaaraha ka dhigeen farxad iyo rayrayn darted dhirta caleentii iyo ubaxii laga dhammeeyey,una keentay reer Buhoodle nabad lagu bariisto ama nagaado,iyo weliba maxaabiistii 68 qof ahayd ee aad soo daysay,waxaadna ku mutaysatay bogaadin iyo ammaan,waana dhito aad meel dhigatay oo aad qudhqudhindoonto mustaqbalka dhow xil iyo darajo hadba kii ay kuu goyso, waxa aad u baahantahay oo qudha waa dhabar-adayg iyo samir, ha degdegin.

Jiilba jiil buu dhaxlaa dadku waxay ku fekeraan maxaad uga tegaysaa carruurtaada iyo carruuraha ay sii dhalidoonaan,ma dhib,halaag iyo rafaad mise wanaag iyo nolol raandhiis dambe leh oo ka wanaagsan taad ku nooshahay,su’aashaas weeye tay dadka da’da waaweyni u baahanyihiin inay isweydiiyaan,hadalka  aan ku soo dhowaado cilaaqaad xumida ka jirta da’da waaweyn iyo da’aha ka yaryar ayaa  ka mid ah ismariwaaga iyo kala boodka dhinaca siyaasadda Dhulbahante iyo Somalidaba.

Da’da waaweyni waxay qabaan idinkaa magaciina iyo muuqaalkiinaba la yaqaane,yaan cidkale idin dhaafin ilaa intaad godka ka geylaysaan, dadka ugu badan ee manta Saleman Xaglatoosiye ka soo horjeeda hawshaa adag ee uu qabtay waa da’da waaweyn, mana aha in talo la weydiiyo dadka qurbaha ku nool ee aan dan iyo heellotoona ka lahayn shacabka guduhu waxay qabaan, dadkaasoo ka naxayn Aabbaha galiilyadu ku tiil, Hooyada seexanwaagu ku dhacay ee wiilkeeda la haystay,Gabdhaha xaasaska ahaa ee nimankooda war iyo wacaaltoona ka heli jirin, Carruurta heemadu ka da’aysay ee aabbayaashood u baahnaa.

Kacdoonkii SSC markay arkeen ayey yiraahdeen ninkani xagguu idinka dhaafay,beenawaas markhatigiisu fogeeyaa waa tii shirkii Taleex la qabtay oo S. Xaglatosiye dibadda la dhigay, waxaan kaloo arkay maqaal nin leeyahay S.Xaglatosiye wuxuu Somaliland nabadda ula galay maxaabiistana usoo daayey aargoosi Khatumo, haddaba adeer tii Taleex ayaa aargoosi cad iyo afgembi xeeladaysan ahayd, anigoo ixtiraamaya aragtidaada, ninka maanta leh Khatumaan jago u hayaana waa nin “Mara-kaneeco roob ka huwanaya”dadka la soo daayeyna waxay ahaayeen dadkii Khatumo laga qabsaday oo iska Khatumaysnaa, Khatumana xaggay ku dambaysay?  Waa fududahay Xamar iyo reero Muskood, halkaasayna ku soo afjarantay siyaasaddii Dallac-Bilaashka ahayd ee Daawaha ku socotey.

Da’da  ka yar kuwa waaweyna waxay qabaan dadkii 30-40 sano shaqaynayey,haddaad madax ahaan jirtay,haddaad siyaasi ahaan jirtay,haddaad sarkaal ahaan jirtay,haddaad ganacsade ahaan jirtay,haddaad maalqabeen tahay nasta…..waxaa la soo gaadhay waqtigayagii qaaliga ahaa qofku intuu yaryahay ayuu waxtari karaa dadka iyo dalkaba maskax ahaan iyo xoog ahaanba, waxaana loo baahanyahay new generation, new faces, new vision, new approach, new blood, new seeds iyo new ideas iwm, Waana naqaan sidaan ku raadsan lahayn xaqayaga iyo xuquuqdayada.

Labada reer ee hareeraha inaga xigana waa la noolaan karnaa mid waxaa inaga dhexaysa nabadgelyada iyo macaamiil wanaagsan, midnawaxaa inaga dhexaysa dhalasho,dheef iyo dan.

Ma jiro wax Nabad ka weyn oo la helaa, Somalilandna waa u dan inagana waa inoo dan dhiiggaa uu kala fogeeyey S.Xaglatosiye ee ay ku shaqaysanayeen siyaasiyiin xaggooda iyo xaggeenaba ahi, Mr xaglatosiye hawshaa aad qabatay waa mid Lacag iyo Dahabtoona goyn Karin, nabadeeye noqo, hoggaamiye xaq u dirara noqo, guuleyste noqo, caqlitoosiye noqo, guushana adaa iska leh,galladana Allaa iska leh, geesina Illaahay ma xilo.

By  Abdirizak Dalmar

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS