Halgankii badbaado qaran maxaa mudane Farmaajo ka reebay?

Halganka badbaado qaran ee haatan soo idlaaday waxa ay dadka qaarkii qabaan inuu bud-dhig u ahaa Mudane Farmaajo. waxaase haddana la isweydiinayaa maxaa ka reebay inuu ka mid noqdaa dhalintii usu taagtay halgankaa?

Runtii fikirkani dadku aad ayuu ugu kala qeybsan yahay kuwo ayaa qabo inuu libintaasi ku seegay kadib markuu la shaqeyn kari waayey Golahii baarlamaanka somaaliyeed durbadiiba ay isku dhacay guddoomiye Shariif Sheekh Hassan, oo markaa baarlamaanku aad u taageersanaa hogaankiisa.

Halka kooxo kale rumeysan yihiin siyaasad xumo ka dhan ahaa xukuumadii Farmaajo,  iyagoon awood dhaqaale iyo mid ciidanba ku tiirsan beesha caalamka ayey fooda is dareen, taasina waxay keentay inuu Mudane Farmaajo wax qabad daayee uu xafiiskii loo magacaabay xajisan kari waayey.

Balse, Mudane Farmaajo kol hadduu xafiiskii isku heyn kari waayey wali waxaa la oran karaa inuu wax un qabtay ayna ugu weyn tahay inuu keenay dad aragti fog, oo dadka iyo dalka ka badbaadin kara dhibta iyo halaaga ay ku sugnaayeen in ka badan labaatameeyo sanno.

codkawaamo.

 

 

 

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS