Madaxweyne Shariif oo isaga baxay shirka Saxiixayaasha uga socday Nairobi, una soo duulay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isaga baxay shirka saxiixayaasha Road Map-ka uga socday magaalada Muqdisho, iyadoo ay isa soo tarayaan arrimo dhowr ah oo ay isku hayaan madaxda Soomaalida, kaasi oo ku aadan habka dhameystirka xilliga KMG.

Wararka ayaa sheegaya in horay madaxda Soomaalida ugu balameen inay ku kulmeen Hotelka uu degan yahay Madaxweynaha, kadib markii Hotel kale oo ay codsadeen qaar ka mid ah saxiixayaasha uu Madaxweynaha ka biya diiday.

Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare C/wali ayaa ka soo daahay shirka, ka hor inta uusan Madaxweynaha ka bixin shirka, inkastoo ay jiraan arrimo dhexdooda ahaa oo shalay oo dhan ay hareysay.

Arrimaha la hadal haayo ayaa ah habka soo xulida Baarlamaanka oo madaxda saxiixayaasha ay aad isugu hayaan, sidoo kale waxaa la isku hayaa xubinta Ahlusuna ee u saxiixaya xulista Baarlamaanka, iyadoo labo xubin ay kala socdaan.

Sidoo kale arrinta kale ee la isku haayo ayaa ah talooyin uu soo jeediyay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mahiga, kaasoo ahaa in tafaraaruqa ay meesha ka saaraan Madaxda, ayna isku raacaan hal musharax oo ay ku mideysan yihiin, si loo sii wado barnaamijka geedi socodka nabada Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa diyaarad ka soo raacay magaalada Nairobi goor dhow, iyadoo uu imninka socdo shirka Saxiixayaasha shanta kale ah, waxaana arrintan durba ay keentay kala qeybsanaan madaxda dowladda soo kala wajahday.

Dhinaca kale qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana wadooyinka laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ballaaran oo lagu soo dhoweynayo.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Haween xiran hidiaha dhaqan, Mas’uuliyiin iyo saraakiil, waxaana soo dhoweyntan ay tahay mid aad uga duwan soo dhoweyntii hore.
Jhr.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS