Mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa bilaabay inay qaataan kaararka aqoonsiga iyagoo haatan ku sugan meel u dhow garoonka dayuuradaha halkaa oo loogu qeybinayo kaararka aqoonsiga.
Xildhibaanadan oo ay ahayd in ay xalay qaataan kaararkooda aqoonsiga ayaa waxaa dib u dhac u keenay sida la sheegay khilaaf ka dhex jiray sidii loo soo xuli lahaa xubnaha baarlamaanka.
Illaa iyo 203 xildhibaan oo magacyadooda lagu shaaciyey dhowaan shabakadaha warbaahinta ayaa ka mid ah dadka qaadanaya kaararka aqoonsiga inkastoo la sheegayo in tirada intaa ay ka badan tahay oo ay gaareyso illaa iyo 230 xildhibaan.
Xildhibaanadan ayaa sida la sheegayo waxaa ay kulmi doonaan maalinta berito ah oo ku beegan maalinta ay dowlada kumeelgaarka ah waqtigeeda uu dhamaanayo, maadaama ay haystaan kooram qaban kara shir.
Hase yeeshee waxaa la rajaynayaa in fadhi ay yeeshaan mudanayaashan uuna shir guddoomiye mudanaha ugu da’ada weyn ay go’aan ka gaari doonaan sida laga yeelayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha.
Soo xulista xubnaha baarlamaanka oo is qabqabsi toddobaadyo socday qaatay ayaa hadda waxa uu u muuqdaa mid soo dhamaanayo hase yeeshee khilaafka dhinaca siyaasada ee u dhexeeya madaxda dowlada ayaa maalinba maalinta ka dambaysa ay gaareysee meel fog.
Waxaana laga dareemayaa khilaafkan siyaasadeed xarunta madaxtoyada ee Villa Soomaaliya ishaysadka dhinaca siyaasada iyo loolanka madaxtinimada.
Sidoo kale waxaa ka soconaya hotalada iyo dhismayaal kale oo waaweyn oo ku yaal magaalada Muqdisho gulufka siyaasada iyadoo musharixiinta madaxtinimada ay isku dayayaan sidii ay ku heli lahaayeen codadka mudanayaasha baarlamaanka cusub.
Waxaana haatan isu soo taagay musharixnimada madaxtinimada dalka siyaasiyiin faro badan oo mid kasta doonayo inay u tartamaan jagada ugu sareysa ee dalka.
