Muqdisho: (pp)- Gollaha Wasiirada DFKMG Soomaaliya oo maanta aad uga dooday amaanka Dalka & hanaanka geedi socodka Dhamaystirka barnaamijka road mapka ayaa maanta mowqif guud ka istaagay markii ay u soo baxday in Gollaha Wasiirada aan la horkeenin lagana tashan degmooyin la magacaabay ana ku tilmaameen inay ka soo horjeedo hanaanka maamul wanaaga dib u heshiisiinta DFKMG Soomaaliya.
Gollaha Wasiirada ayaa badankood arrinkaas maanta culayska saaray una arkay iska horkeenayso shacabka Soomaaliyeed , maadaama aysan jirin dowlad adag oo gacanta ku haysa ammaanka dalka.
Gollaha Wasiirada ayaa ku baaqay in dadka soomaaliyeed in la isku keeno maahane aan la gelin karin tafaraaruq dhexdooda ah, waxayna qaarkood ku macneeyeen degmooyinka la magacaabay inaan lagu fiirin caqli saliim ah , waxayna qaarkood la yaabeen in degmooyinka la magacaabay qaarkood ay isu jiraan 15 km , arrinkaas oo la yaab iyo jajac ku noqday.
Wararka ayaa intaas ku darayaa Goluhu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.
