SOMAALI HILIB DHURWAA INAY CUNTO CARAB BAA KA MAS’UUL AH!

Waayadii hore, Somaalida waxay lahayd dhaqan hufan oo sariig leh, waxay ahaayeen dad talen-tigooda ama xirfaddooda dadnimo ay aad u sarayso oo maskax furan, xoolahay dhaqadaan iyo khayraadka baddooda hodan ku ahaa oo waxyaabaha qaarkood is kala hanweynaa sida  habka ugaarsiga iyo nolosha ku xiran, markii laga sheekeeyo carabta oo xasharaadka iyo mindhiciraday cuntaa Soomalidu sheekooyinkaas waxay u arki jirtay wax laga laba laboodo oo marnaba lagu soo qaadi karin.
Haddii dib loo milicsado qaranimadii Somaaliyeed iyo Somaali hammigii ay lahayd, sida la wada ogsoon yahay sanadkii lixdameeyadii horraantiisii ayey somaali xorriyaddeedii hanatay, waagaas  Somalida waxa loo  aqoonsaday halka adduunka  ay ka deggan tahay iyo inay tahay qowmiyad qaran oo xor ah oo isku tashan karta oo aan lagu xad-gudbi karin, iyaduna waxay isu aragtay ummad usoo ban-baxday qaranimadeeda inay ka faa-iidaysan karto oo midnimo iyo isku duubni ay ku gaari karto.

Taa iyada ah Somali waxaa usii  wehelisay iyagoo lahaa culumo Soomaliyeed oo juhdiggoda ahaa xaqiiqda diinta inay dadka u soo bandhigaan oo xalaasha iyo xaaraanta u kala caddeeyaan, waxayse aad uga soo horjeedeen culumada waagaas wax diinta ka baxasan oo diin ahaan loo qaato oo la caadayso ama dhaqamo kale iyo afkaro kale in diinta lagu khaldo, waayo waxay ahaayeen mashaa-iikh diinta nur-xurkeeda aqoon u lahaa ee bowsi lagu barto, ha-lagaa sheego iyo dan gaara oo diinta lagu turjumo oo  aysan dhaqan u lahan jirin.

Waxay kaloo aad uga soo horjeedeen oo dadkana uga digi jireen dhaqamada xun-xun oo carab ka  soo jeeda oo ka mida ummadda dhexdeeda inay qolo-qolo isu dulaysato isuguna gumayasto xasad iyo cadaawad mar-walba laysu hayo, waayo culumadaasi waxay kaloo xoogga saari  jireen isku duubni iyo walaalnimo in lagu wada  noolaado.Culumadii hore Soomaaliyeed (KHAYR ALLA SIIYEE) waxa lagu xusuuto oo weliba ay  ammaan ku mudan yihiin iyagoo Soomaali gaar siiyey 100% waa muslim sunni ah, waxayna darajadaas ku gaareen daacadnimo oo diinta mabda’ kale ay ku khaldi jirin iyo akhlaaq wanaag oo ka mida mashaa-ikhdii iyaga ka horreysay aysan caayi jirin ama iyaga dhexdooda aysan is caayi jirin,

Sidoo kale, culumadaasi Soomali jiritaankeeda iyo qaranimadeedana ma aflagaadayn jirin mana aysan fara-gelin jirin, qofkii Soomali ay wax ka khaldan yihiin ma aysan gaalaysiin jirin ee af macaan iyo xushmad ayey diinta ugu waanin jireen, waxa kaloo aad ugu dadaali jireen horumarka ummadda adduun iyo aakhiro iyo wadajirkooda iyagoo ogglaa inay u maraan hab dowladeed iyo nidaam lagu kala dambeeyo. 

Wey jireen khaladaad oo culumadii hore aysan soo wada af jarin oo ku saabsanaa dad ku qaraaban jiray diinta oo siyaabo kala duwan oo sanan ah ama khurufaad ah dadka ugu fasiri jiray oo loo yiqiinay baa-bul suufi iyo fooxlayaal IWM, balse culumadu waxay ku raad-joogeen sidii waxyaabahaas sananka ah oo diin ahaan loogu qaraabto loo cirib-tiri lahaa, waxay lahaayeen dulqaad iyo daacadnimo diinta dadka ku gaarsiin jireen – dadkuna ku jeclaayeen, waxay caan ku ahaayeen culumadaasi dhanka adaabta iyo iyagoo aan kala qob-qobnaan jirin oo midnimo iyo isu laab-furnaan ay ka dhaxaysay oo haddana deggenaan iyo weji-furnaan dadkuna ay kula dhaqmi jireen, juhdigoodana wuxuu ku aaddanaa sidii loo hormarin lahaa ku dhaqanka  Shareecada Islaamka oo loo wada dhan yahay oo ku salaysan caddaalad iyo is bad-baadin.

Ha-yeeshee, bilowgii sanadkii 1980-kii  waddanka waxaa ka soo if baxay is bedel weyn oo dhanka diinta ku saabsan, firqooyin kala duwan oo waddamada carab laga soo wada xawilay oo dalkii soo camiray oo dad-weynihii Somaaliyeedna diintay ka midaysnaayeen oo isku jeclaayeen jaha-wareer iyo dakhni ay ka gasahay, firqooyinkaas waxaa ka mida sida firqada la dhaho Al-takthiir oo kale iyo in badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin oo ka mida Ururkii Al-itixaad oo ahayd firaddii ugu weynad oo khaasatan  Sacuudiga soo dirsaday aakhirkiina u xuub siibatay  khawaarijiin – al-shabaab.

Ururkii Al-itixaad oo (Soomalida badankeed ay u taqaan gar-dheerayaal) waxay culumadii hore kaga duwan yihiin handadad iyo hal-adayg ay dadku ku la dhaqmaan, shirki iyo gaalnimo (kolkii laga reebo wixii maslaxdooda aan ku jirin) ay markiiba wax ku xukumaan iyo wax la yiraahdo: MUWAADIN, CALAN, QARAN iyo SOOMAALINIMO  oo ay ku micneeyeen  dhaqamo gaalo laga soo dhaxlay oo baadil ah, taa iyada ah ay ku bedeleen Dhulka Somaalia inuu yahay dhul aan muslimiinta  kala xigin, sidoo kale waddinyad iyo waddan-jacayl iyaduna waxay micneeyeen wax-yaabo markoodii hore dadka lagu khaldi jiray iyo fikrad cilmaani uu wato oo gaalnimo ku salaysan. Inkastoo dad-weynaha Somaaliyeed 95% Al-itixaad-wahaabia ay gacanta ku dhigtay, haddana dadka waxaa ku cusbaa oo maankooda lagu soo jiitay  wax la yiraahdo muxaadaro iyo fadwo oo looga duulo saddex qodob oo kala ah:

I.  Dadka oo loo muujiyo markoodii hore inay diinta ka khaldanayd oo diinta     saxda ah oo hadda ay qaateen.

II.      Khaladaad jiray (oo culumadii hore ay dagaal kula jireen) hadba inta tusaale loo soo qaato oo qosol jees-jees looga baxo si dadka loo dareensiiyo mashaa-iikhtii hore  juhdigooda inuu la mid ahaa maadeys iyo wax lagu qoslo oo kale.

III.   Nidaam iyo kala dambeyn dowladeed oo Soomaalia yeelata oo lagu micneeyo xaaraan iyo wax baadil ah iyo waxay gaalo wadato. Saddexdaa qodob oo muddo badan dadka lagu tashkiilin jiray ama la gelinsiin jiray Somaali waxay u horseeday in la dhalan-rogmo oo lays aamini waayo, waxaana lala yimid maamul walaayad la yiraahdo iyo calan madow iyo goof walba oo  wadaad isaga amar ku taagleeyo hadba fadwaduu ama khalwaduu soo saaro siduu doono uu dadku ugu  ciqaabo oo ubadlii yar-yaraa iyaguna loo carbiyo inay is qarxiyaan ama naftooda haligaan ama qof muslim ah oo masaajid ka soo baxay ay toogtaan, taasoo gundhiggeedu yahay  si carab halkay joogto loogu qanciyo oo aamiirta iyo danaha ay Somaali ka leedahay  loo meel mariyo.

Marka hore dowladaha carabta waa dad xun oo akhasu-naas ah waana cadowga kaliya ummadda Somaaliyeed, maxaa-yeelay Somaalidu oo gar iyo gardarro carab waxay la timaado la garab taagan oo diyaar ay u tahay qaddiyad carbeed inay nafteeda u hurto ummadaha kalena uga go’do, ayaa dadka heerkaas u jooga  waxay u aragtaa – dad  mad-madow oo  afrikaanka kale ka sii liita oo iyagu u cabiidsan sida maacuun oo kale ay ugu adeegan karto oo marna iyaga ay isku diri karto marna waddamada deriska la ah ay ku diri karto ama wixii iyaga beni-aaddanimo ugu usoo gurmada ay ku diri karo, 

Sidoo kale, sida taariikhda lagu hayo carabta  weligeedba Somaalidu waxay ka aaminsanayd qoom aan istaahilin qaranimo iyo kala dambayn inay yeeshaan oo adduunka wax la qaybsadaan, taasoo sabab u noqotay maanta dembiga ugu weyn ee qof Somaali qoorta looga jaro inuu yahay markii lagu helo hadal haynta Calan-Somaliyeed  iyo  muwaadinnimo. Haddaba, hadalka waxaan ku soo geba-gabayn lahaa ibtilada Somaalia ka dhacday oo dhan  iyo wax walboo ga-bood fal ah iyo xad-gudub ah ee  dadka Somaliyeed loo geysatay (A-Z) carab baa mas’uuliyadeeda leh, qabiil-qabiil iyo jifi-jifi hoosaad haddii  Somaali isku layso oo ifkana isku nacdo, firqooyin iyo afkaaro kala duwan oo diin ah  haddii Somali isku disho ay ku kala tagto, Somaali hilib dhurwaa iyo wixii la mida inay  cunto waxaasoo dhan oo ilhaana ah carab baa ka dambaysa mas’uuliadeedana iyadaa leh.

C/SALAAM OSMAAN,   MEMPHIS, TENNESSEE.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS