Madaam shaqada qurba joogta Somaliyeed aay u badantahay Taxi Driver, aaynu ku korsadaan carurtooda iyo qaraabadooda Somalia ku nool, waxaa aay nagula muuqatay Somalidayada ku nool gobalka Arizona Phoenix, USA, in aanu iska xoraayno dhibta badan aanu ku qabno kambaniyada kunturaada ku haysta gegida dayuuradaha ee Phoenix, oo aanu sameeysano kambani khaas noo ah, aanu ku shaqeeysano, waa himo waa riyo ma aha arin fudud waxaa loo baahanyahay kharaj fara badan oo lagu iibsado baabuur bac ah ( zero mealege) oo aan loo haysan lacag ku filin oo lagu gato. tan labaad waa in laga guuleysta 22 kambani oo tartanka ugu jira qandaraas Airportka, si saddex ka mid ah ugu gulaysato kunturaada gegida dayuuradaha( Sky-Harbo Airport), tan saddexad waxaa loo bahnaa in la helo cid aqoon u leh hirgelinta mashruuca, arintaas waxaa isu xilsaaray Injineer Cumar Sadiq oo laha xirfad ganacsi iyo mid aqooneedba.
Waxaa la yaab leh oo aanu khibrad ku helnay in Somalidu aay tahay dad umadaha addunka ka gedisan khusuusan sida aay isu aaminan ama isugu kalsoonaadan waa waxaa u suurto geliyay in aay meel kasta oo darafta addunka ah aay u xawilaan lacag, marmarka qaarkood waxaa is dhehaysa ma aha dad diriray oo labaatan sanno dawlad la’aan ah..
Injineerku waxuu Bankiga ka furay xisaab, waxaa la yaab leh Somali oo dhan oo qabiil kasta ku jiro Konfuur, goboladda dhexe, Puntland, Somaliland, iyadoo aan loo kala harin, nin walba waxii loo qondheeyay buu xisaabta ku shubay, Injineerka isagoo xataa qaarkood eeyan is aqoon. Dadaal badan ka dib iyo ogalaanshaha Alle, waxaa lagu guulaysta in mashruuci hirgalo oo kunturaadi Airporka la helo, mahad waxaa lahaa khibrada Injineer oo aad uyiqiin sida loogu tartamo qandaraasyada.
Mirihii markeey soo go’een oo aanu fantasiya ku jirnay labbo bilood baanu sidii caadadu Somalidu ahayd, waxaanu u safanay, safsaf qabiil, oo aanu isweeydiinay hadii maamulka Kambaniga loo qaybsaday 4/5, iyo in kale. waxaa noo soo baxday maya waxaanu isku qaadna dagaal, waxaanu isku daynay in aanu ismajaxabino, waxaa gilgisha Kambanigii ahaa midka ugu nidaam iyo maamuul fiicna kambaniyada ka shaqeeya Airport in uu ku dhowaada in uu dumo. Somalidu waa dad caadifad badan marka hore waana dad is-aamina oo wax wada qabsada lakiin ma laha damaystirid, meel foog ma gaaran, waxaa fiicnaani lahaa in la darso sidii aay u waari lahayd waxii Somalidu soo dhisato, ama ha noqoto dawlad ama kambani kawada dhexeeya ahaa.
Qore: Injineer cumar C/laahi (Cumar Sadiiq)

