KU: Aqonyahanada Gobolada JubboyinkaOG:
Saxaafadaha madaxa banaan
OG: Shacabka Soomaaliyeed September 27/WIP
Bismillahi Raxmaani Raxiim
Ururka ay ku midowbeen dhammaan Beelaha dega Waamo (Dadka u dhashay ee asalkooda ka soo jeeda deegaanka Waamo) waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Dhammaan Shacabka Gobolada Jubboyinka Gaar ahaan dadka ku sugan Magaalada Kismayo oo soo maray xaalad aad u qalifsan oo isugu jirta Burbur iyo Colaad Kow iyo Labaatankii Sano ee aynu soo dhaafnay.
Sida aan la wada socono Deeggaanka Jubboyinka waxaa ku habsaday Musiibo aan hanbeyn Naf & Maalba iyo Guud ahaan Burbur baahsan Kow iyo Labaatankii sano ee bur burka ayaa waxaa isku badalaayey Dad aan ehel u aheyn deegaankaa kana soo hayaamay Gobolo kale ujeedadoodana ay tahay in ay Mansab Siyaasadeed oo ayan Xaq u laheyn ka helaan Gobolada Jubooyinka.
Kadib markaan isla falanqeynay Xaaladaha Qalifsan ee uu ku jiro Deeggaanka Jubooyinka waxay Beelaha Waamo ee ku nool Dunida Dacaladeeda ka maarmi waayeen inay ka wada arinsadaan xaalada Qalifsan ee ay ku jiraan Bulshada Reer Waamo iyo Arimaha Murugsan ee ka jira Gobolada Jubooyinka.Hadaba wadatashi dheer oo ay isla qaateen Beelaha Waamo ayaa waxay soo saareen
Bayaan ay ku muujinaayaan mowqifka ku aadan Fursada Qaaliga ah ee manta soo martay iyo Dadaalka ay wadaan Urur goboleedka IGAD ee lagu sameynaayo Jubaland State of Somalia, Bayaankiina wuxuu ku soo baxay sida hoos ku cad.
A- In laga shaqeeyo Midnimada Beelaha Waamo, Mar hadii Gobolada Jubboyinka laga xoreeyay Al Shabaab Waxa ay Aqoonyahanada Gobolada Jubboyinka Banaanka u joogaan waa Qalad, Ku soo noqda Gobolkiina oo ka shaqeeya Dibu dhiska Gobolka.
B- Shirarka ka socda Nairobi Kenya ee ay wadaan Urur goboleedka IGAD in ay balaariyaan tixgeliyaana Codsiga ay hore ugu direen Beelaha u dhashay Gobolda Jubooyinka kuna midoobay Waamo Indigenous People.
C- Beelaha Waamo waxay si wada jir ah ugu Baaqayaan in maamulka Gobolkooda loo daayo Dadka u Dhashay Deegaankaa ee ka naxaaya Masiibada heysato Deegaankooda, loona leexin Xaquuq doodii dad aan gobolka u dhalan oo aan la aqoon XAQA ay ku yeelan karaan deegaanka Waamo
Aden Hussein,
Chairman of Waamo Indigenous
