Madaxweyne Farole oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Maxamad Cisman Edson

TACSI: Marxuum Maxamad Cismaan Aden “Edson”

 

Inaa Lilaahi waa innaa Ilayhi Raajicuun.

 

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca dadka iyo Dowladda Puntland waxaan Tacsi tiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamad Cismaan Aden “Edson” Qunsulkii hore ee Safaaradda Somalida ee dalka Kenya oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

 

Waxaan ILAAHAY Subxanahuu Wa’tacaalaa uga baryeynaa inuu Marxuumka ka waraabiyo Janadii Firdowsa, samir iyo iimaan-na ka siiyo dhammaan ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Aamin.

 

Cabdiraxman Sh. Maxamad Maxamud (Farole)

Madaxweynaha Dowladda Puntland

wariyahena  M Muse

Garowe

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS