Waxay jaaliyadda reer Kismaayo ee ku dhaqan magaalada Toronto, ee dalka Canada, ugu sameeyeen xaflad ay si heer sare ah u soo aggaasimeen, taaso looga gol lahaa in lagu maamuuso xildhibaanad Marwo Sacdiya Careys Ciise.
Xafladaasi oo ay ka soo qeyb galeen wax ku oolkii reer Kismaayo ee magaaladaasi ku dhaqnaa iyaggoo hambalyo iyo taageero kal iyo lab ah ku qaabilay kuna soo dhoweeyey walaashood Xildhibaanad Sacdiyo Careys Ciise. Iyagoo u rajeeyey inuu Alle u fududeeyo xilka ay Soomaali u igmadeen, kadib markii ay nasiib u heshay iney ka mid noqoto xildhibaanada faderalka Somaaliya ee dhowaan lagu doortay magaalada Mogadisho,Somaaliya.
Alle ha u naxariistee Marxuum Careys Ciise Kaarshe, oo asal ahaan ka soo jeeday gobolka Jubbada hoose ee Kismaayo, Oo ah xildhibaanad Sacdiya Aabaheed. Ayaa ka mid ah halyeeyada ugu waa weyn ee u kacay reer Kismaayo ayna ku faanaan goor iyo ayaan.
Sidaasi si la mid ah. ayaaXildhibaanad Marwo Sacdiya Careys Ciise, ayey reer Kismaayo ka rajeynayaa iney noqoto harmuud ay higsadaan, geed dheer iyo mid gaabanba u fuusho maslaxadda dadka iyo deegaanka gobolka J/Hoose ee Kismaayo.
Xafladdani oo ay ka soo qeyb galeen dad aad u tiro badan oo aan halkan ku soo wada idleeyn kareen ayaa ka mid ahaa.
Mudane Abdi Musse Lugey.
Mudane Abdi Alore iyo Xaaskiisa Lul Farah.
Marwo Amina Bulhan.
Marwo Khadijo Ahmed Warsame “Dhuubo Huruuse”.
Mudane Osman Ahmed Shido.
Mudane Ibraahim Mohamed Musse Galoow.
Mudane Ahmed Ciise Geladi.
Mudane Mohamed Abdikariim.
Mudane Saciid Orey.
Mudane Mohamud Muxiyidiin
