Xukuumadda Raysul Wasaare Shirdoon oo Qarka u Saaran Inay Dhacdo Iyo Muran Ka Taagan Hor-tegista Baarlamaanka (Warbixin)

Kadib markii maalinimadii Sabtidii shalay baarlamaanka Soomaaliya uu dib u dhigay kulan lagu doonayey in xukuumadda cusubee raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon codka kalsoonida ku weydiisato baarlamaanka ayaa haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in xukuumada ay qarka u saaran tahay inay dhacdo.

Afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shalay markii cod u qaadista golaha wasiirada ay baaqatay la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in “sababo farsamo awgood ay u baaqatay“ in xukuumada ay hor timaado baarlamaanka.  Gudoomiyuhu ma uusan sheegin mudo cayiman oo loo qabtay xukuumadda inay baarlamaanka ku timaado, waana tan mida dareenka hadda jira keentay. [AKHRI HADALKA AFHAYEENKA BAARLAMAANKA]

Ilo wareed ku dhow xafiiska madaxtooyada iyo kan raysul wasaaraha oo aan beryahan waxba ku kala duwaneyn ayaa codka waamo maanta u xaqiijiyey in caqabad weyn ay hor taagan tahay xukuumadda cusub ayna qarka u saaran tahay in xukuumada ay dhacdo, taasoo keeneysa in raysul wasaaraha laftiisa uu dhaco, markaasina madaxweynuhu uu ku qasbanaan doono inuu markale soo magacaabo raysul wasaare sida ku cad qodobka 90aad (faqradiisa 4aad) ee dastuurka kaasoo sheegaya in madaxweynuhu uu kala diri karo xukuumadda haddii ay weyso aqlabiyada codka baarlamaanka.

Walaacan ayaa ku saleysan sida ilo wareedku sheegayo, in illaa hadda aan la heyn tiro xildhibaano ku filan inay xukuumada tobanka wasiir ka kooban ay difaacaan oo baarlamaanka jooga, taasina ay keeneyso in (haddiiba lagu dhaqaaqo) in kulanka ugu horeeya ee xukuumada ku hortagi doonto golaha shacabka ay weyso codka kalsoonida ee 50%+1 ee golaha baarlamaanka oo ay ku heli karto kalsoonida. [MAGACYADA IYO SAWIRADA WASIIRADA]

“Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).QODOBKA 90-AAD (faqradiisa 4aad) EE DASTUURKA.

Caqabadaha taagan maxay yihiin?

Illaa hadda, raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo xukuumadiisa, mudada usbuuca banaan jooga ah ayaa dadaal adag ugu jira inay meesha ka saaraan caqabadaha waaweyn ee durba isku hor gudbay kuwaasoo ay ugu muhimsan yihiin labo waxyaabood oo muuqda waqtigan;-

1- Mucaaradada ka imaaneysa beelaha aan helin wasiirada (gaar ahaan kuwa ka dhex muuqda baarlamaanka) ee saameyntan ku yeelatay xildhibaanada codka laga fili lahaa.  Arintan waa tan ugu weyn ee hadda hurdada u diiday raysul wasaaraha iyo tobankiisa wasiir oo habeen kasta qaabilaad iyo casho u sameynaya xildhibaano, odayaal, siyaasiyiin iyo cid kasta oo saameyn yeelan karta si caqabadan ka imaaneysa qabiilada looga gudbo.

Xafladii magacaabista golaha wasiirada 4/11/2012.

Arinta beelaha waxaa xusid mudan in qabiilada taakada u dhigay xukuumada ay isugu jiraan qeybo kala duwan oo ka kooban illaa 10 beelood oo waaweyn kuwaasoo la sheegay inay xukuumadihii hore wasiiro ka heli jireen. Xildhibaanada ay ka soo jeedaan qabaa’ilada wasiirada waayey ayaa xitaa aan dooneyn in lagu qanciyo jagooyinka wasiir ku xigeenada oo weli aan la soo magacaabin, sida codka waamo ay u sheegeen mudanayaasha mucaaradsan xukuumadda qaarkood oo naga codsaday inaan laga hordhicin magacyadooda.

2- Arinta kale ee hadda taagan ayaa ah MOOSHIN dastuuri ah oo ay miiska soo saareen ku dhowaad 40 xildhibaan oo ku doodaya in sharci aysan ahayn in xukuumad qabyo ah uu raysul wasaruhu geeyo baarlamaanka, waxayna xildhibaanada dalbanayaan in raysul wasaaruhu soo dhameystiro wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dawlayaasha maqan markaa kadibna la keeno baarlamaanka “xukuumad buuxda”.

Qodobka 69-aad ee dastuurka (faqradiisa D) oo ka hadlaya hortegista xukuumadda ee baarlamaanka ayaa sidan u qoran:-

- Awoodaha golaha shacabka waxaa ka mid ah;

“Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1;” QODOBKA 69-AAD (faqradiisa D) ee DASTUURKA.

Doodan waxay dhibaato ku fureysaa xalka isbadbaadinta ee uu raysul wasaaruhu isticmaali lahaa ugu dambeynta marka arimuhu cakirmaan (sida in tirada wasiirada la kordhiyo ama wasiirada lakala bedelo), laakiin ay tahay in marka hore la isku dayo in sida hadda wax ku socdaan lagu sii wado illaa derbiga salkiisa la soo taabto, markaasna lala soo baxo waxa loo yaqaano qorshaha labaad ama “Plan B”.

Waxayse doodan noqon kartaa mid lagu tijaabinayo markale xukuumadda iyadoo xildhibaanada hadda gadoodsan ay markan iska dhex arkaan in qabiiladooda ay wax heleen iyo in kale, taasoo hadhowna lagu jaangoyn doono codeynta baarlamaanka ee xukuumadda.

Wada tashiyo ka bilawday Villa Soomaaliya

Markale ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon dib isugu laabteen si ay bal u wajahaan caqabadaha ishortaagay xukuumadda. Warar ku dhowna waxay sheegayaan in raysul wasaaruhu madaxweynaha u sheegay in ka hor 17-ka bishan (oo ay ka harsan tahay lix cisho) oo ku beegan waqtigii raysul wasaaraha laftiisa la ansixiyey, haddii xukuumadda ay heli weyso kalsoonida baarlamaanka ay adkaan doonto in xukuumada ay sii jirto, waayo raysul wasaaruhu wuxuu heystaa 30-maalmood si uu xukuumad u soo dhiso una geeyo baarlamaanka laga bilaabo marka isaga uu helo kalsoonida baarlamaanka.

Ilo wareedyada waxay sheegayaan in labada masuul ay ka walaacsan yihiin in tirada diidan xukuumadda ay ku dhow yihiin kala bar mudanayaasha baarlamaanka ee hadda jooga Muqdisho, taasina laga dareemi karo sida Sabtidii xildhibaano ka badan 200 ay u soo xaadireen kulanka baarlamaanka, halka toddobaadyadii la soo dhaafay kulamada baarlamaanka aaney intaas soo xaadiri jirin.

Sidoo kale, waxay labada masuul ka wada hadleen sidii loo soo dhameystiri lahaa tobanka wasiir ku xigeen iyo wasiiru dawlayaal aan ka yareyn shan xubnood ee xukuumada cusub yeelaneyso.

Dhanka kale, sharci yaqaanada ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu heysto fursad uu hadda wax ku bedeli karo si xukuumadda loo badbaadiyo, haddii kalana ay qasab ku noqon doonto inuu markale raysul wasaare soo magacaabo kaasoo xukuumad kale soo dhisa. codka waamo

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS