Saddex askari oo ka tirsan ciidamada milateriga Kenya ayaa lagu dilay maanta magaalada Gaarsia ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, kaddib markii si gaadmo ah loo weeraray iyagoo sameysanaya gaari ka xumaaday.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Gaarisa ayaa laga soo xigtay in kooxaha dilka geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka askartan.
“Askartan waxaa la dilay isagoo gaari ay wateen ka sameysanaya lug ka banjartay, saddexda askari mar qura ayaa la toogtay goobta ayayna ku dhinteen,” ayuu yiri goobjooge ku suganaa meel ku dhow halka uu dilku ka dhacay.
Xaaladda magaalada Gaarsiga ayaa mar qura isbedeshay iyadoo la sheegayo in laga maqlay gudaha magaaladaas rasaas dhacaysa kaddib markii askarta la dilay, iyadoo sidoo kale la xiray dhammaan ganacsiga magaalada.
“Magaalada oo dhan waa faaruq, qof walba wuxuu ku cararay gurigiisa, waayo qof walba wuxuu ka baqayaa in dhibaato loo geysto,” ayuu yiri Cali Cumar oo ka mid ah dadka deggen magaalada Gaarisa oo saxaafadda la hadlay.
Dilka askartan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo qarax ka dhacay magaalada Nairobi oo lagu weeraray gaari kuwa rakaabka ah ay ku dhinteen ugu yaraan toddoba qof oo shacab ah ayna ku dhaawacmeen in ka badan 30-qof oo kale.
Ammaanka magaalada Gaarisa ayaa soo xumaanayay tan iyo bishii Oktoobar 2011 oo ay Kenya ciidamadeeda milateriga u dirtay gudaha Soomaaliya si ay dagaal ula galaan Xarakada Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay dalkaas ka geysatay falal ammaanka ka baxsan.
Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii laba askari oo ka tirsan ciidamada Kenya lagu dilay meel ku dhow suuq lagu magcaaabo Suuq Mugdi oo ku yaalla bartamaha magaalada Gaarisa, iyadoo aysan jirin cid sheegatay dilalka loo geysanayo askarta ka tirsan ciidamada Ken
xog hol
