DOOD FURAN: Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Wafdigii Arbacadii Laga Soo Celiyey Kismaayo Iyo Kii Shalay Lagu Soo Dhoweeyay?

RBC) Sida dhamaanteed aan la wada socono, waxaa Maalintii Arbacada 7/11/2012 magaalada Kismaayo gaaray wafdi ka tagay magaalada Muqdisho oo ka koobnaa 7 xubnood oo ahaa guddi dawlada federaalka Soomaaliya ay u xilsaartay arimaha Kismaayo,gaar ahaan dhuxusha iyo xubno ka socday AMISOM.

Wafdigaasi iyo wariyaal isugu jira Soomaali iyo ajnabi ayaa markii ay gaareen garoonka magaalada Kismaayo waxaa lagu wargeliyey in sababo amaan darteed aan loo ogolaan karin inay magaalada gudaha u galaan.

Farriintaasi waxaa wafdiga u sheegay sarkaal ciidamada Kenyan ee garoonka ka masuulka ah hogaamiya, kaasoo sheegay in isaga lagu soo wargeliyey in “wafdiga ka yimid Muqdisho uu la kulmi karo masuuliyiinta joogta Kismaayo haddii ay la socdaan [wafdiga] dad ka socda Urur Goboleedka IGAD”. [AKHRI FAAHFAAHIN HORE]

Sarkaalkaasi wuxuu intaa ku daray in dhibaato amaan ay jirto oo aynan ballanqaadi karin amaanka wafdiga haddii ay garoonka Kismaayo dhaafaan.

Qadar yar kadib wafdigii ka yimid magaalada Muqdisho waxay dib ugu laabteen Muqdisho iyagoo wax guul ah ka gaarin safarkooda.

Sida Raxanreeb Baarliin Cadami oo ah gudoomiyaha guddiga loo saaray arimaha Jubbooyinka, ujeedka safarka wafdigii Arbacada tagay Kismaayo wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo ay ku gaaraan magaalada Kismaayo tan iyo intii uu iyaga magacaabay madaxweynaha Dawlada Federaalka, ayna u socdeen saddex arimood oo muhim ah.

1- Waa marka koowaade in masuuliyiinta ciidamada ku sugan Kismaayo, odayaasha dhaqanka iyo maamulkii dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo ee ku-meelgaarka ahaa ay kala hadlaan sida loo ambaqadi karo dhismaha iyo diyaarinta maamulo heer deegaan ka soo bilawda oo laga hirgaliyo gobolada Jubbooyinka.

2 – In laga tashado sidii xal loogu raadin lahaa dhuxusha ku xaniban magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda taasoo dawlada iyo Qaramada Midoobay ay diideen in dibadda loo dhoofiyo, arintaasoo si gaar ah uu uga hadli lahaa gudoomiyaha rugta ganacsiga Salaad Gabayre oo wafdiga ka mid ahaa.

3- Arinta saddexaad ee ujeedka socdaalka wafdiga waxay ahayd amaanka guud ahaan gobolada Jubbooyinka, iyadoo si gaar ah looga tashan lahaa hawlgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee hadda hakadka ku yimid.

Dhacadaasi maxaa ka dambeeay?

Waxaa taasi ka dambeeyay in shalay oo ahayd Sabti 10/11/2012 magaalada Kismaayo ay ka degeen wafdi ka yimid magaalada Nairobi. Wafdiga Nairobi ka yimid waxay ka koobnaayeen xubno deegaanka ka soo jeeda oo qeyb ka ahaa shir maamul loogu sameynayo gobolka iyo saraakiil Urur Goboleedka IGAD ka socota.

Si weyn ayaana wafdigan loogu soo dhoweeyay Kismaayo iyadoo shalay la xiray inta badan ganacsiga magaalada, amnigana aad loo adkeeyay.  Waxayna wafdigu xalay ku hoydeen magaalada Kismaayo oo ay illaa hadda ku sugan yihiin.

Haddaba waxaa soo baxaya su’aalo kala duwan oo dadku iska weydiinayaan waxa ay ku kala duwan yihiin labadan wafdi?

Sababta amaan ee wafdigii Arbacadii loo celiyey maxaa loogu celin waayey wafdiga dambe?

Ma dhici kartaa in sababaha amaan ay uun ahaayeen marmarsiiyo oo uu jiro madmadow kale oo u dhexeeya dawlada federaalka iyo saraakiisha Raskambooni ee maamusha Kismaayo?

Kaalinta AMISOM maxay tahay?

xog rx

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS