Faahfaahin/sawirro : Qado Sharaf Galdogob loogu sameeyay wafdigii guddoomiyaha gobolka Mudug iyo ciidamada Amniga ee dagmada GALDOGOB

 

 

 

 

Posted by on  November 12th, 2012
IMG_7650Galdogob(wodka waamo com):- Dagmada Galdogob waxaa gaaray Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Mudug mudane Maxamad Yuusuf Jaaamac Tigey islamarkaana ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Axmad Muuse Nuur, Cuqaal, Ganacsato, Aqoonyahan iyo Saraakiil ay ka mid yihiin caaqil Cabdinaasir Cigaal Xirsi, Caaqil Cabdullaahi Jaamac Ciise, Aadan Faarax Dheere, Raage Maxamad Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska.Ugu horrayntii waxay wafdigu kulamo la qaateen Cuqaasha, Waxgaradka, Ganacsatada, Culumada iyo Maamulka dagmada Galdogob waxaana intii uu kulankaasi socday waxaa wafdiga guddoomiyaha u warbixyay maamulka degmada iyo Cuqaasha waxayna ka warbixiyeen xaaladda guud ee dagmada Galdogob iyo ciidamada ammaanka puntland oo hawlgallo ka sameeyay dagmada galdogob taasoo dadwaynaha siyaabo kala duwan loogu fasiray waxayna soo dhoweeyeen wafdiga ballaaran ee ka yimid gaalkacyo.

Kadib waxaa hadalka qaatay taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Col. Jaamac Maxamad Axmad ( Jaamac-Sandaqad ) wuxuuna sheegay in ammaanka gobolka mudug uu isagu isagu mas’uul ka yahay degmooyinka gobolka oo dhana uu ka soo hawlgalay Galdogobna uu u yimid hawlgal ka dib markuu helay xog ah in sideed nin oo Al-shabaab ah ay soo gaareen degmadan Galdogob kuwaas oo ka soo kicitimay Cadaado, Buulo barde islamarkaana ay gobollada kale ee Puntland uga fuliyaan qaraxyo abaabulan iyo dilal qorshaysan. “Waxaan helay xog sugan oo dhamaystiran oo ah gaarigii ragaas soo qaaday ninkii watay oo reer galdogob ah raggii dajiyay, raggii la shiray iyo raggii u fududaynayay siday puntland ugu gudbilahaayeen sidoo kale waxaan hayaa xubnaha Al-shabaab ee doonaya inay gabbaad ka dhigtaan Galdogob, hadafka iyo ujeedaduna waa inay ciidamadu ka sifeeyaan dagmada galdogob” ayuu yiri taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Col. Jaamac Maxamad Axmad (Jaamac-Sandaqad ) .

Waxaa iyana goobta ka hadlay culumada iyo cuqaasha dagmada Galdogob oo uu ka mid ahaa Shiikh Axmad Maxamad Cali (Dhamuuke) oo sheegay in dadka reer Galdogob ay yihiin reer puntland ciidamada iyo hawlgalada ay amaanka ku sugayaana soo dhowaynayaan lana shaqaynayaan.

Wuxuu kaloo Shiikh Axmed sheegay in reer Galdogob aysan ogolaanayn in ay Al-shabaab gabaad ka dhigtaan wuxuuna dawladda ka codsaday dhalinyarada ka soo laabatay ururkii burburay ee Al-shabaab in cafis loo fidiyo lana jiheeyo.

Caaqil faarax Maxamad Aaadan (faarax Sanwayne) oo ka mid ahaa xubnihii kulankan ka hadashay ayaa soo dhoweeyay hawlada hawlgalada ciidamadu ka samaynayaan degmada Galdogob wuxuu kaloo caaqilku sheegay Al-shabaab inay yihiin kansar aan la soo dhowaysan karin guryohooda iyo magaaladoodana in aysan u ogolaanayn ciidamadana ay kala shaqaynayaan siday dagmada ugala dagaalami lahaayeen cadawgaasi.

Raage Maxamad Maxamuud oo ku hadlayay afka dhalinyarada aqoonyahanka ah ee degmada Galdogob ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday siyaasadda puntland iyo meesha ay marayso wuxuu sheegay inay ka xunyihiin rag siyaasadda ku fashilmay oo tira yar inay magaca degmada Galdogob dano ay leeyihiin ku dabaqaan oo ay ku been abuurtaan, wuxuuna carabaabay in ay ka dhalinyaro ahaan aqoonsan yihiin maamulkooda Puntland oo uu xaqiijiyay in uu yahay maamul dhisan oo dhawaana dastuurkiisii qaab afti dadweyne ah lagu ansixiyay hadana hiigsanaya loona guurayo nidaamka dimoqoraadiyadda ee hal cod hal qof awooduna ay shacabka u soo noqonayso.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmad Muuse Nuur ayaa isna ku dheeraaday Al-shabaab iyo sida ay umadda u jahawareeriyaan wuxuuna sheegay in ay gabaad ka dhiganayaan qabaa’ilada walaalaha ah iyagoo ku khalda arrimaha jirana ugu fasira in iyaga loo danleeyahay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Al-shabaabtu ay dadka ku diraan ciidamada amniga ka sheqeeya una tusaan kuwo shahaado ama diin la dirir ah garashada dawladnimadana ka marin habaabiya dadweynaha.

Axmad Muuse Nuur wuxuu sheegay in Ururkani uu ku caanbaxay dhibaataynta shacabka igaoo u gaysta dilal qorshaysan oo ay la beegsanayaan dadka waxgalka ah iyo hormuudka ama labeenta bulshada kuna laaya meelo aan looga baran in dadka muslimiinta ay falal caynkaas ah ka gaystaan sida masaajida oo ay dadka ku laayaan.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamad Yuusuf Jaamac Tigey oo ka mid ahaa masuuliyiintii dawlada ee kulankan ka hadashay ayaa sheegay inay isaga iyo maamulkiisu ka wadaan gobolka Mudug mashruuc loogu magac daray “Mudug shalay iyo maanta” wuxuuna yiri sidan “ Shalay markaan xilka qabanay mudug waxaa say rabaan ka yeelayay Al-shabaab, Burcad-badeed iyo khamriilayaal, waxaan wacad ku marnay inaan Mudug ka sifaynayno Al-shabaab, Burcad-badeed iyo khamriilayaal, maanta waxaan ku faani karnaa inaan gobolka Mudug ka sifaynay burcad badeedii, khamriilayaashii iyo Al-shabaabtii oo aan marinkii ugu dambeeyay ee ay puntland ka soo gali jireen maanta oodafo wayn saarnay dib dambana aanaan u ogolaanayn in ay puntland uga soo galaan iyo inay ku nagaadaan oo xarun ka dhigtaan toona”,

Guddoomiyuhu wuxuu ammaan u soo jeediyay ciidanka booliska ee ka hawlgalaya gobolka Mudug iyo Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta kuwaas oo uu tilmaamay in ay ku caan baxeen siday puntland uga ciribtiraan Argagixisada iyo cid walba oo ammaanka puntland wax u dhimaysa islamarkaana difaac adag oo aan la dhaafi karin u ah ilaalinta amniga puntland oo dhan.

Gabagabadii wuxuu gudoomiyuhu dardaaran u jeediyay dadka reer Galdogob oo uu kula dardaarmay inay amniga ciidamada kala sheqeeyaan, horumarka gobolka ka socdana taageeraan gaar ahaan kan degmada ka socda sida wadada isku xirta Galdogob iyo Gaalkacyo.

 

 

 

 

 

 

 

 

Daawo Sawirrada:-

image jpg 1856-244

image jpg 1856-245

image jpg 1856-246

image jpg 1856-247

image jpg 1856-248

image jpg 1857-179

image jpg 1857-180

image jpg 1857-181

image jpg 1857-186

WODKA WAAMO

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS