Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay laysin u sameynta Wadayaasha Gaadiidka Puntland

Kadib markii ay soo bateen shilalka Gawaarida isaga kala goosha wadada weyn ee isku xirta Gobolada puntland ayaa dhawaan Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland waxa ay bilowday qorshe looga hortago dhacdooyinkaasi oo keenay in Dadbadan ay ku dhintaan kuna dhaawacmaan hantina ku burburto kaasi oo ah Laysin u samaynta Darawalada kaasi oo lagu ogaanayo Qofwalba qibrada uu u leeyahay Darawalnimada si loo hakiyo dad badan oo gudaha Magaalooyinka Puntland ku dhexwata Baabuurta aqoon durugsanna aan u lahayn wadida Gawaarida.

Maanta ayaa la horkeenay Golaha Wakiilada Puntland go’aankii Wasaarada ay qaadatay iyadoo taasi ay dhalisay dood farabadan oo ay Xildhibaanadu ka yeesheen kaasi oo ay ku cabirayeen sida ay ula muuqato (Tiriifada) ama Lacagta Laysin usamaynta looga qaadayo Bulshada laguna xakameynayo shilalka badan ee isa soo taraya.

Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka puntland Daahir Xaaji Khaliif  oo horyimid Baarlamanka si uu uga qanciyo barnaamijkan ayaa sheegay in Wasaaarada Hawlaha iyo gaadiidku isku hawshay badbaadinta Shacabka ku dhamaanaya Shilalka aan kala harka lahayn ee inta badan ka dhaca Deegaanada puntland kaasi oo lagu hakin karo oo kaliya marka la hirgesho Laysin u samynta Darawalada wada gaadiidka taasi oo baaritaan iyo imtixaan adag laga qaadayo qof walba oo sheegta in uu Darawal yahay, waxa uuna wasiirku ka codsaday Xildhibaanada in Barnaamijkan ay ansixiyaan si loo dhaqangeliyo.

Wasiirka Ayaa sidoo kale sheegay in ay soo wadaan Shuruucda Taraafikada iyo Calaamadaha Wadooyinka oo ay si dhaqso ah u keeni doonaan Baarlamanka si looga dodo loona ansixiyo, isagoo sheegay in Wasaarada hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland ay tahay talaabo horusocod leh oo ay qaaday hadii Barnaamijkan hirgalo kaasi oo ay ku mudan tahay in loogu hambalyeeyo sida uu wasiirku yiri,wuxuuna hoosta ka xariiqay in intii ay joogeen Wasaarada ay wax badan oo horumar ah qabteen.

Xildhibaanadii madasha ka hadlay inkastoo intooda badan ay taageereen Barnaamijkani hadana waxaa jiray qaar saluugsan habka lacag qaadis ee Wasaaradu  ay waday kaasi oo ay ku tilmaameen mid ku haboonaa in Baarlamanka lasoo hordhigo intaan la bilaabin hawsha si loo ogaado halka ay mareen Lacagihii laga aruuriyay dadkii sameystay laysinka si shakigu u boxo.

Ugu dambeyntii ayaa Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdi-Rashiid Maxamed Xirsi waxa uu ku dhawaaqay in Barnaamijkaasi ay 26mudane ogolaadeen halka ay diideen 8mudane 7kalena ay ka aamuseen iyadoo Gudoomiyuhu ku dhawaaqay in Baarlamanku meelmariyeen codsigii Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaadiidka puntland.

Inkastoo dadka qaarkii ay qabaan in ay qaali  wasaaradu ka dhigtay xaga Laysin  sameysiga ayeey hadana ku tilmaameen Dalka daashaday.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS