Sida ay sheegayaan wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa xalay markale weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamada dawlada Kiinya.
Weerarkan ayaa sida la sheegayo ka dambeeyay tiro madaafiic ah oo qeybo ka mid ah magaalada la isku weydaarsaday iyadoo illaa xilli dambe xalay la maqlayey jugta qoryaha culus.
Qof ku sugan magaalada Kismaayo oo amaanka dartiis aan dooneyn in la xigto magaciisa ayaa Raxanreeb u sheegay in xalay kooxo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen garoonka magaalada Kismaayo iyo saldhiga booliska halkaasoo ciidamada ku sugan labada goobood ay madaafiic ugu jawaabeen kooxihii weerarka soo qaaday.
Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan xalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin wafdi qeyb ka ah guddi maamul u sameynta deegaanka u socda oo ka yimid magaalada Nairobi kuwaasoo Sabtidii ka degey Kismaayo.
Afhayeenka Ururka Raskambooni C/naasir Seerar oo saaka warbaahinta Raxanreeb ay la xiriirtay ayaan ka jawaabin telefoonkiisa, inkastoo ay xilli hore ahayd.
Mana jirto wax hadal ah oo Al-Shabaab ka yiraahdeen weerarka laga soo sheegayo magaalada Kismaayo. Labo maalin ka hor ayey Al-Shabaab sheegteen weerar kale oo habeenimadii Sabtida lagu qaaday garoonka Kismaayo.
Urur Goboleedka IGAD ayaa maalmo kahor sheegay inay ku taliyeen in ciidamo 300 gaaraya oo ka socda booliska AMISOM lagu wareejiyo amaanka magaalada Kismaayo, hawshaasoo hadda ay socoto qabanqaabadeeda.
wodka waamo
