Madaxweynaha Puntland iyo Xukuumaddiisa oo Maanta Urur Siyaasadeedkii ugu Horeeyey uga Dhawaaqay Garoowe

Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa maanta looga dhawaaqay urur siyaasadeedkii ugu horeeyey ee la dhiso tan iyo markii la shaaciyey in hanaanka doorashooyinka Puntland uu noqonayo mid ku salaysan nidaamka axsaabta badan.
Ururkan oo loogu magac daray Horseed, waxaa ku bahoobey in ka badan 200 oo mas’uul, kuwaas oo ku jira goleyaasha xukuumadda xiligan Puntland ka arimisa ee uu hogaamiyo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).
Madaxweynaha Puntland iyo golihiisa wasiirada ayaa maanta fadhi ay baarlamaanku xaruntooda ku lahaayeen oo ay kasoo qayb galeen kaga dhawaaqay ururkan, iyagoo tilmaamay in hal-kudhiggiisuna uu yahay ” Nabad, midnimo iyo horumar.
“Urur siyaasadeed Horseed loogu magac daray, oo ah xisbul xaakim ayaan maanta halkan kaga dhawaaqeynaa, hal-kudhigiisu waa Nabad, midnimo iyo horumar, astaantiisuna waa geedka gobka ah” Madaxweyne Faroole oo baarlamaanka hortiisa khudbad ka jeediyey ayaa yiri.
Ururkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee Puntland looga dhawaaqo tan iyo intii maamulka Puntland uu jirey, waxaana si aad ah usoo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo tilmaamay in ay tahay tallaabo dhanka horumarka loo qaaday.
Dhowaan ayey ahayd markii ay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Puntland shaaciyeen in la furan karo ururada siyaasadda, ururadaas oo ku tartami doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka, islamarkaana ay sadexda ugu codadka badnaadaa noqonayaan axsaabta siyaasadda Puntland ee rasmiga ah.

saxardiid

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS