):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo illaa shalay socdaal shaqo ku joogay magaalada Burco, ayaa maanta kormeeray goobo kala duwan, isla markaana xadhigga ka jaray dhismayaal dhawr ah oo laga hirgeliyey magaaladaas.
Safarka Madaxweyne Siilaanyo oo lagu sheegay in ujeeddadiisa ugu weyni ahayd mid ololaysan, isla markaana uu taageero ugu raadinayo Xisbiga uu hoggaamin jiray ee KULMIYE.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu maanta xadhigga ka jarey mashaariic laga hirgaliyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer, waxaaanu sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kormeer ku soo marey mashaariic horumarineed oo hirgalintoodu ka socota magaaladaas.
Madaxweynuhu dhismayaasha uu xadhigga ka jarey ay kala ahaayeen, dhisme lagu kordhiyey Cisbitaalka guud magaalada Burco, dhisme lagu kordhiyey dugsiga sare ee Sheekh Bashiir iyo dusiga Sheekh braahim oo dhamaantood ku yaalla magaalada Burco.
Wasiirka Wasaarda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka wasaarada caafimaadka, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey mashaariicda horumarineed ee laga hirgaliyey magaalada Burco ee ay Wasaaradohoodu gacanta ku hayaan ku hayeen.
Madaxweynuhu wuxuu kormeer ku soo marey madaarka magaalada Burco oo xilagan uu ka socdo dhisme iyo waddada isku xidha magaalada Burco iyo Oodwene, waxaanu madaxweynuhu warbixinno kaga dhageystay masuuliyiinta ku howlan mashaariicdaasi, waxaanu u rejeeyey in Illaahey u fududeeyo mashaariicdaasi dhameystirkooda, isla markaana waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay in mashaariicdaasi yihiin kuwo dhaxal gala.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaa kale oo uu magaalada Burco maanta ka furey Taangi Biyood xajmigiisu qaadayo 620 Foosto oo ay ka cabi doonaan dadweynaha ku dhaqan xaafadaha dhanka koonfureed ee Burco.
Madaxweynaha waxa socdaalkiisan ku weheliyay marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Madaxtooyadda, Waxbarashada, Duulista hawadda, hawlaha guud iyo Duulista Hawadda iyo Taliyaha ciidanka Booliska iyo xubno kale.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu galabtaba ku soo laabtay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland oo uu shalay subaxdii hore ka safreen isaga iyo Weftiga uu hoggaaminayaa.
wodka waamo
