Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Soo Dhaweeyay Ansixinta Golaha Xukuumada Soomaaliya

Warsaxaafadeed goordhow ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyay ansixinta maanta ay siiyeen xildhibaanada baarlamaanka golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya.

Nuqul ka mid ah war-saxaafadeedka oo la soo gaarsiiyay xafiiska Raxanreeb.com ee magaalada Muqdisho ayaa lagu yiri :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad uga mahad-naqay Baarlamaanka sida ay codka kalsoonida u siiyeen Xukuumada cusub “Tani waxay muujineysaa kalsoonida ay nagu qabaan Baarlmaanka sharafta leh iyo Shacabka ay matalaan, waana ku kalsoonaa oo waan ka filieyey sidan iyo si ka wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa ugu baaqay Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiiradda ee maanta la ansixiyey inay si deg deg ah howlahii loo igmaday uga shaqa galaan.

Ugu dambeyntii  Madaxweynaha wuxuu ka codsaday  Baarlmaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan  Xukuumadda cusub  “  Shaqsiyaadkaasi masuuliyadda loo dhiibay maaha in howshu  qaran  faraha looga qaado , dhammaan sida aan u dhan-nahay waa in aan la shaqeynaa, ayuu yiri Madaxweynahuhu.

saxardiid

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS