Isu dhuun-daloolkii Khatumo iyo Somaliland oo hadda lugta la sii baxaysa ama kala furanaya, iyagoo ku wada socday in Xudun la qabsado,waayo Khatumo way difaaci lahayd Xudun haddaanay raali ka ahayn, ka dib markay Khatumo aragtay Dhulbahante raba inay dhulkooda soo ceshadaan oo dagaal isu abaabulaya, iyadoo Khatumo rabtay
inay dhabacato Miscilisha Hargeysa si qarsoodi ah,waxay kaloo heshiis ku ahayeen in dalka labo(2) loo kala qaybiyo(koonfur iyo wuqooyi) oo dadka dhulkaa dega (Harti) qaarna laga xukumo Xamar qaarna Hargeysa,tasoo sii salaxaysa heshiiskii ay magaalada Dubai ku wada galeen Xamar iyo Hargeysa,dadkii degaankaa deganaana laga qadiyey,ka dib markii Somaliland ogaatay in citiraafkii Ceel-dheer ku dhacay.
Waad ogtihiin Telephonku isma taago Xamar iyo Hargeysa waayadan dambe,doorashadii madaxweynaha Somaliyana,Somaliland gacan weyn ayey ku lahayd,ilaa haddana way ku leedahay dawladda cusub,waayo waad maqlayseen Wasiirka Arrimaha Dibadda loo magacaabay waraysigii ay bixisay ee ay tiri “Somaliland waan idin maqnahay” oo macnuhu u dhacayo innagaa is hor fadhiisanayna(Somaliland iyo aniga) ee hawshaas ka seexda, xataa Wasiiradu ma aha Somalilandta qunyar socodka ah.
Dawladda cusub ee Somalia ka dhalatay oo ah mid dulmi iyo xaq darro ka dooratay wanaagii laga filayey,iyadoo markhaati ka ah qabsashadaSomaliland magaalada Xudun,waxna ka odhanweyday hadday tahay Madaxweyne,Raiisal wasaare iyo weliba Parlamaan,iyadaadba moodaa inay hurinayso Guluf-Colaadeed oo dambe sida ay ula macaamilayso maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo,iyo weliba ku tumashada Dastuurka dalka u yaala.
Waxaan rabaa inaan waxyar idhaahdo Dhulbahante weyne, Khatumo waxay tiri”guulo badan ayaanu gaadhnay ee lacag kale soo ururiya” ma halkasaad ka fad –kudiseen,Miskiinah yaa Khatumo,yaa khasaarah, ma Xamar baa soo xidhantay,Miskiinah Albaabadaasi waa xidhmeen, Lasanod ayaad ku urursan jirteen lacagta ,haddeerna ma Xudun baa?.
Mid baanse idiin sheegayaa Ummaddani waa ka weyn tahay,weyna ka culus tahay wax marba dhinac loola cararo ama hadba dhinac loo jeediyo ama Shandado lagu qaato,Ummaddani waa qaar tashaday iyo qaar tashandoona,hadday Xamar soo xidhantay,Hargeysana waa soo xidhmaysa waqti dhow,meesha keliya ee hadhay waa ASMARA ee ha illaawina.
Waxaanse idin weydiinayaa G10 iyo Khatumo haddaad wax jira tihiin oo aad nooshihiin aaway maamulkaad sheegayseen? Aaway korontadii ku shaqaynaysay Iftiinka Qorraxda? Aaway daawoyinkii dadka iyo xooluhu? Aaway Hay’adihii diyaarka ahaa ee Addis-Ababa idinku sugayey? Aaway garoonkii Taleex? Aaway askartii iyo ciidamadii? Aaway lacagtii Malayiinka dhammayd? Aaway annaga cid walba naqaan? Aaway dab gooniyaad shidanaysaan? Waxaas oo dhan idinkaa ballanqaaday, mise waa dacaayad!!!!!! Waa tii afhayeenka Khatumo ka hor akhriyayey shirka hortiisa, haddii aan been sheegayo IGAD bay ahayd kuwii Taleex ku shirayey.
Mid kalena waa idiin sheegayaa haddaad hadda ogateen in dhulkii la qabsaday ama loo baahan yahay dagaal, Dhulbahante wuxuu ogaa in dagaal loo baahan yahay: markii dagaalku ka dhacayey Kalshaale,Maygaagle, Hagoogane iyo markay Yagoori marayeen,markay Adhi-Cadeeye marayeen, markuu Abeesalay ka dhacayey, markii Lasanod la qabasanayey, markaad Xamar ku socoteen, markaad Nairobi iyo Turkiga u kala gooshayseen,markaad la haydeen dagaal uma baahnin,markii maatada Lasanod Jailka Mandheera loo qaadayey, markii lacagta ugu badan la ururiyey,… hadalkiina haddeer yimid waxaan u qaadanayaa mid iska Gurdanraac ah ama madax-dhul-la-dhac ah, waxaa la yidhi “doqonka iyo doqontu intay gudahooda eegayaan ayaa gondohooda la yimaada” waa nasiib darro iyo ayaan darro inaad hadda ogaataan.
Su’aasha iigu dambaysa waxay tahay,horta goormaa 2 cali ,Dhulbahante doortay? goormaa Dhulbahante yidhi idinka wakiil naga ah? goormaa Dhulbahante Wilaayadiisa idiin dhiibay? Waa wax lala yaabo , mashruucii Khatumo waa dhammaday, waana ka bogsoonay.
Waxaan ku soo gebagebaynayaa farxad weyn ayaa I gashay sidii sharafta iyo xurmada lahayd ee reer buhoodle u soo dhoweeyeen 2dii Isim ee kasbaday kalsoonidii iyo aqlabiyadii shacabkooda,una taagan danaha reer Buhoodle iyo gobolka Cayn oo dhan iyo weliba tan Dhulbahante, wayna mutaysteen soo dhoweyntaa, kana masuugi maayo inaan magac- dhabo waa: Boqor Abdullahi Ahmed Ali iyo Al caaqil Al haji Mohamoud Al haji Omar Camey, sidaasaana xaqa iyo baadilku u kala cad yahay.
Isimadii Dhulbahante ee kale yaa meel ku sheegi kara? Sidaa si le’egse ma loo soo dhoweeyey?
By Abdirizak Dalmar
