Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celiye balan qaadkiisa ahaa in dalka Soomaaliya Xukuumadiisa ay ku sameyn doonto isbedel muuqda.
Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in awooda Xukuumadiisa dhamaan ay u adeegsan doonaan sidii dalka Soomaaliya isbedel muuqda loogu sameyn lahaa.
Wuxuu sheegay inaysan jirin waqti ka xanuun badan xiliyadii dhibka badnaa ee uu soo maray dalka Soomaaliya Xukuumadiisa ay ilaawsiin doonto shacabka dhibaatadii adkeyd ee lasoo maray.
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ula imaan doonaan isbedel muuqda oo ka duwan isbedeladii soo maray dalka Soomaaliya.
Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya tan iyo markii la doortay waxa ay shaaca ka qaadayeen inay la imaanayaan isbedel muuqda oo ku aadan hogaaminta dalka Soomaaliya sanadaha soo socda,hayeeshe shacabka Soomaaliyeed ayaa sugaya isbedelka ay la imaanayaan 10-wasiir ee Ra’iisul Wasaare Saacid.
xog allp
