Muqdisho ( Danjiraha dawlada Ethiopia u jooga magaalada Muqdisho Cabdicasiis Aadan oo maanta ka hadlay hambalyo ay dawlada Ethiopia u dirtay ansixintii golaha wasiirada ee dawlada Soomaaliya oo shalay baarlamaanka uu ku ansixiyey cod aqlabiyad ah ayaa dhanka ka hadlay doorka urur goboleedka IGAD ee arimaha Soomaaliya.
Danjire Cabdicasiis ayaa sheegay in xukuumadda Ethiopia ay soo dhoweyneyso in golihii ugu horeeyay ee wasiirada ee Soomaaliya oo ka kooban 10 xubnood ay helaan aqlabiyada baarlamaanka, isagoo danjiruhu sheegay in dawlada Ethiopia ay la shaqeyn doonto xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
“Aad baan u soo dhoweyneynaa uguna farxeynaa in xukuumada cusub ee Soomaaliya ay hesho ansixinta baarlamaanka, anagu haddaan nahay xukuumadda iyo shacabka Ethiopia diyaar ayaan u nahay sii wadista xiriirka saaxiibtinimo iyo kan derisnimo ee aan la leenahay Soomaaliya” ayuu yiri danjiraha Ethiopia u jooga Muqdisho.
IGAD iyo maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka
Danjiraha Ethiopia oo la weydiiyey sida uu u arko in Urur Goboleedka IGAD ay qeyb ka yihiin qorshe maamul loogu sameynayo gobolada Jubbooyinka iyo khilaafka ka taagan arintaasi ayaa wuxuu yiri;
“IGAD waxaa xubin ka ah Soomaaliya, way jirtaa in dawladaha IGAD oo ay Ethiopiana ku jirto ay taageero iyo gacan siinayaan dawlada Soomaaliya, laakiin IGAD awood uma laha inay farageliso arimaha gudaha ee dalka Soomaaliya”.
Danjiraha oo sii hadlay ayaa raaciyey “Maamul u sameynta Kismaayo waxaa yeelanaya dawlada federaalka ee Soomaaliyeed, dawlada Soomaaliyeed iyadaa arimaheeda gudaha u madax bannaan, IGAD waa ay ku taagereysaa”.
Hadalka danjiraha Ethiopia ayaa ah kii ugu horeeyay oo masuul ka tirsan dawlada Ethiopia uu si rasmi ah uga hadlo arimaha gobolada Jubbooyinka iyo dadaalada maamul u sameynta deegaankaasi oo ay isku khilaafsan yihiin dawlada federaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh hogaamiyo iyo masuuliyiinta ururka Raskambooni oo ay wehliyaan beelaha deegaankaasi ka soo jeeda oo wada qorshe maamul loogu sameynayo gobolada Jubbooyinka.
saxardiid
