Tarsan oo Waayey Xubin-nimadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Kulankii maanta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, ayaa Dr. Cusmaan Maxamuud Nuur waxa loogu sheegay in uu Dr. “Dufle” yahay xildhibaan ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo shir guddoominaayay kulankii maanta lagu ansixiyay xukuumada cusub ayaa waxa uu sheegay in guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Maxamed Axmed Nuur Tarsan uusan sii ahaan karin xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya isagoo ah duqa magaalada Muqdisho.

Wuxu yiri afhayeenka baarlamaanka “Sida ku qoran xeer hoosaadka dastuurka xubin ka tirsan baarlamaanka ma qaban karo xil dowladeed oo aan ka ahayn wasiir, sidaa darteed Tarsan isagoo ah duqa Muqdisho kama mid ahan xildhibaanada baarlamaanka”.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa bishii hore waxa uu guddoonka baarlamaanka ugu baaqay in muddo bil ah uga soo qaybgalo fadhiyada baarlamaanka taasoo dhici waysay.

Tarsan ayaa bishii August ee sannadkan waxay beeshiisa Ujeejeen u doorteen in uu u noqdo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, ilaa hadda guddoomiyaha gobalka Banaadir kama hadlin arrintan ku saabsan in booskiisa lagu badalay Dr. Dufle.

Dr. Cusmaan Maxamuud Nuur Dufle, waxa weeye  dhaqtar caan ah Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, oo uu xarumo caafimaad ku lee yahay, isla markaana waa bare jaamacadeed.

Waxa uu horrey u soo noqday wasiir ku-xigeen caafimaad dowladdii TNG –da  ka ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ma jirto wax hadal ah oo uu sheegay Dr. Dufle oo ku aadan in uu ka mid noqdo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

saxardiid

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS