War deg deg: Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u galay Xaafado kamid ah Kismaayo

Wararka aan Caawa ka helayno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in Xaafado kamid ah Degmada Kismaayo Caawa Ciidamada Xarakada Al-shabaab gudaha u galeen.
Xaafadaha ay Caawa ku sugan Yihiin Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa kamid ah Xaafadda Dalcadda oo kamid ah Xaafadaha ugu caansan Kismaayo, Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Halkaasi nooga soo warama.
Ciidamada Al-shabaab ayaa ku amray dadka dagan Xaafadadda Dalcadda inay damiyaan layrarka ku xiran guryaha banaankooda iyo waliba in ay joojiyaan isku socodka dadka inta ay howlgalkooda ka dhamaysanayan.
Qaar kamid ah dadka dagan Xaafaddasi oo Caawa la hadlay saxaafada ayaa shegay inay arkayeen  Ciidamada Al-shabab oo saf ku soconaya isla markaasina baartitano ka wada Xaafado si gaara ay u bartilmaameed sanayaan oo ku yaala Degmadaasi.

SAXARDIID

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS