Xiisado ka Taagan Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi iyo Ganacsiga oo gabi ahaan Maanta Albaabbada loo xiray

Jawiga xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii ayaa saakay ah mid aad u kacsan, iyadoona gabi ahaanba ay xiranyihiin goobilhii ganacsi ee xaafadda Eastleigh (ISLII).

Dadweeynaha ku dhaqan xaafadda Islii ayay indhahaagu qabanayaan iyagoo koox-koox u taagan hareeraha wadooyinka, waxaana dadku ay yihiin kuwo dareen ku joog ah.

Saakay aroortii ayaa waaxda qaybta Section 1 ee xaafadda Islii waxaa ka dhacay isku dhac dhexmaray kooxo ka careysan qaraxii shalay iyo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhaqan halkaasi, waxaana labada dhinac ay isu adeegsanayeen dhagxaan iyo baangado.

Goobta ayaa waxa soo gaaray ciidamo katirsan kuwa Militariga Kenya kuwaasoo kala dhexgalay labada dhinac, walow jawiga goobtaasi uu weli yahay mid kacsan, waxaana xafadda laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada militariga Kenya.

“Xaaladda way kacsantahay laba kooxood ayaa isku horfadhido Sec1, saakana wiil dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu jarjaray xaafadda Madaari,” sidaa waxa yiri C/laahi Aadan oo kamid ah dhalinyarada ku dhaqan waaxda Sec1 ee xaafadda Islii.

Xaafadda waxaa lagu soo daadiyay ciidamo aad u tiro badan oo kuwa Militariga ah, waxaana jawiga guud ee xaafadda Islii uu maanta yahay mid aad u qasan.

Dhinaca kale ciidamada Militariga Kenya ayaa xalay howlgallo ay ka sameeyeen qaar katirsan guryaha ku yaal xaafadda Islii waxay ku qabqabteen dhalinyaro aad u tiro badan.

“Xalay Dabaqii aan daganayn waxa soo galay ciidamo military ah, waxayna kaxeysteen wixii rag ahaa ee dabaqa deganaa oo dhan, qaarkood xitaa way jirdileen,” ayay tiri Shamso oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxaa xalay maqribkii kooxo ka careysan qaraxii shalay ay weerar ku qaadeen masaajid ku yaal waaxda Sec1, halkaasoo ay dadweeynihii salaadda usoo aaday ku kala ceyriyeen, wallow markii danbe ay iska caabiyeen dadkii xaafadda deganaa.

Xiisadahan ka taagan xaafadda ay Soomaalidu ka dagto magaalada Nairobi ee Islii (Eastleigh) ayaa ka danbeeyay kadib markii shalay qarax xooggan lala eegtay mid kamid ah basaska loo yaqaan No 9-ka ee isaga kala goosha Islii iyo Townka, kaasoo sababay dhimashada todobo qof iyo dhaawaca in ka badan 30 qof.

xog hol

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS