30-Mudane oo ka tirsan baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ayaa ku gacan seeray inay codka kalsoonida siiyaan xukuumada cusub ee ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Xildhibaanadan oo codsi u gudbiyay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay iyadoo aan la soo dhameestirin xubnaha kale ee xukuumada sida wasiiro ku-xigeenada iyo wasiiro dowlayaasha inaysan codka kalsoonida siin doonin golaha wasiirada cusub oo ka kooban illaa 10-qof.
Mudanayaasha ayaa warqad u qoray Jawaari waxana ay u sheegayn in xukuumada cusub aan la soo dhameestirin sidaas darteedna aysan codka kalsoonida siin doonin illaa inta laga soo dhameestiraayo.
Wasiirkii hore wasaaradda dastuurka iyo arrimaha dib u heshiisiinta xukuumadii KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hadda ah xildhibaan ayaa sheegay in warqad ay ku codsanayaan in la soo dhameestiri xukuumada ay u gudbiyeen afhayeenka baarlamaanka Jawaari.
“ In baarlamaanka ay aqbalaan xukuumad aan la soo dhameestirin waxay xad-gudub ku tahay dastuurka Fedaraalka dalka, manna ahan wax la aqbali karo, maxaa yeelay dastuurka waxa qoray dad isku raacsan,” ayuu yiri xildhibaan Xoosh.
Afhayeenka baarlamaanka Jawaari ayaa ka codsaday ra’iisal wasaare Saacid in uu xukuumadiisa soo gudbiyo maalinta Sabtida ee berri si codka kalsoonida loo siiyo.
Si kastaba, warqadan ay qoreen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaan la ogayn sida uu sameen doono in golaha wasiirada la siiyo codka kalsinda iyo in dib loo dhigo illaa inta laga soo dhameestiraayo xukuumada cusub.
CODKA WAAMO
