Saraakiisha Ciidamada NATO ee ku sugan Biyaha Xeebaha Soomaaliya ayaa uga digay maraakiibta gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa Caalamiga ee mara Badweynta Hindiya in ay siweyn u Adkeeyaan lasocodka Amaanka Xeebaha Soomaaliya marka lagaaro Dabaaldega Ciida Masiixiga Chrisma dayga.
Kuxigeenka Taliyaha Ciidamada Marineska NATO ee ku sugan Biyaha Soomaaliya Mr Christian Canova ayaa sheegay In ay jiraan dhaq dhaqaaqyo ay wadaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ,kuwaa oo doonaya in ay ka faa’iideystaan xiliga Dabaaldega Sanadka Cusub (Chrismas Day) , sidoo kale waxa uu tilmaamay mr Canova in ay ka war heleen qorsho ay burcad badeeda ku doonaysay in ay Afduubtaan maraakiibta Ganacsadatada soomaaliyeed u rarantahay eek u soo wajahan xeebaha soomaaliya .
Warbixino ay soo saartay ha’ada (BMBs) Best Management Practices ayaa lagu shaaciyay in ay maraakiibta si toos ula xiriiraan qeybaha kala duwan ay saldhigyada ku leeyihiin hay’adaan taas oo ka caawineysa hadba lasocodaka Burcad badeeda soomaalida ,waxayana maraakiibtaasi kala yihiin UK’s Maritime Trade Organisation (UKMTO ) oo saldhigiisu yahay wadanaka imaaraadka Carabta magaaladiisa Dubai, iyo EU’s Maritime Security Centre Horn of Africa (MSCHOA) oo isna ka Howlgala Xeebaha Soomaaliya ,kuwaa oo lagu wargeliyay in ay Adkeeyaan Amaanka Xeebaha Soomaaliya inta ay socota Dabaaldega Ciida masiixiga ee loo yaqaan (Chrismas day) Taasoo ay dhigtaan Marka lagaaro 25-December Sanad walbo .
Hadalkaan ka soo yeeray Ciidamada marineskaNATO eek u sugan xeebaha soomaaliya ayaa imaanaya kagadaal markii dhowaan ay ka bad baadiyeen gacanta kooxaha Burcad badeeda soomaalida markab lagu magacaabo (MV Torm Kristina ) kadibna ay ogaadeen in weli ay ku xoog badan yihiin Burcad badeeda Soomaalida goobaha ay ka Af-duubtaan Maraakiibta Shisheeye ee mara biyaha Xeebaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Source: Aissat
