Dadka dagan xeebaha Puntaland oo loogu baaqay in halkaasi ay ka fogaadaan

Maamulka Puntland ayaa uga digay Kalluumeysatada iyo shacabka ku nool dhulka xeebaha ee gobollada Barri, Nugaal iyo Mudug iney ka fogaadaan nawaaxiga Badda sababo la xiriira Duufaan xoog leh oo la sheegay iney deegaannadaasi ku soo Wajahantahay.

Sargaal u hadlay hey’ada isbeedelada cimilada caalamka ayaa shaaca ka qaaday in duufaan xoog leh ay ku soo wajahantahay gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug oo dhamaantood ka tirsan dhul xeebeedka Soomaaliya.

Sargaalka ayaa intaasi raaciyay in dhamaan dadka dagan gobolladaasi loogu baaqayo in ay isaga fogaadaan xeebahaasi masaafo aad u dheer, si ay uga nabad galaan dhibaatoyinka ay sababi karto duufaantaasi.

Duufaantan oo loogu magac daray faul 4 ayaa la filayaa in galinka  hore ee talaadada oo ay taariikhdu ku beegantahay  25 ka December 2012 ay soo gaarto Soomaaliya gaar ahaan xeebaha gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug taas oo Ku socota xawaare dhan 80 Mile Saacadiiba sida ay sheegeen hey’adaha Caalamka ee saadaasha hawada

 

 

SONNA

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS