Dowladda Sacuudiga Oo Gobolka Hiiraan Ka Bilowday Qeybinta Deeq Xoollo Ah

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka bilowday gobolka Hiiraan qeybinta deeqo xoollo nool ah taasi oo ay ugu talagaleen in ay ugu gargaaraan dadka ay saameynta ku yeesheen fatahaadihii dhowaan ku dhuftay gobolkaasi qeybo ka mid ah.

Qeybinta deeqdan xoolaha ah Dowladda sacuudigu waxey maanta ka sameysay in ka badan 20 tuulo oo hoos yimaada magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayagoo isla maantana ay ka qeybiyeen tuulooyinkaasi xoollo gaaraya 15,00 (kun iyo shan boqol) oo neef.

Waxaa qeybinta deeqdan xoolaha ah ka faa’ideystay qoysas ay tiradoodu ku dhowdahay 300 qoys ayadoo qoysaskaasina ay dowladda Sacuudiga uga mahad celiyeen qeybinta deeqdan xoolaha ah.

Deeqdan xoolaha ah ee ay Dowladda Sacuudigu ka bilowday tuulooyinka hoostaga magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xili dadkii ay saameynta ku yeesheen fatahaadihii wabiga Shabelle kasoo kabanayaan saameynta fatahaada

 

 

SONNA

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS