Guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti oo ka qeyb galay kulankii baarlamaanka Soomaaliya

Barqanimadi maanta ayuu garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagay guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Arnaa’uud Cali oo ay lasocdeen qaar ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaana kusoo dhaweeyay garoonka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusman “Jawaari”, mudaneyal ka tirsan baarlamaanka dalka iyo saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee kasocda dowladda jabuuti.

Wafdigii ka socday dowladda Jabuuti ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho  ayaa ka qeyb galay kulankii maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho waxaana kulanka baarlamanka soo xaadiray 182 mudane, iyadoo ajandaha kulanka uu ahaa sidii loo soo dhaweyn lahaa mas’uuliyiinta ka socotay dowladda Jabuuti.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay afhayeenka baarlamanka Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay uga mahad celiyay shacabka iyo dowladda Jabuuti garab istaaga ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin.

Sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka  Jabuuti Idiris Arnaa’uud Cali ayaa isna u jeediyay mudanayasha hadallo u badan guubaabo iyo mahadcelin waxa uunu ku baraarujiyay xubnaha golaha shcabka in ay ka shaqeeyaan wax walba oo lagu hormarinayo dalka Soomaaliya.

Khudbadi afhayeenka barlamaanka Jabuuti, kadib waxaa ay xildhibanadii kasocday dowladda Jabuuti hadiyado  ay ugu talageen gudoonsiiyeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamanka jabuuti iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maalmaha soo socda joogi doono magaalada Muqdisho si ay ugu kuur galaan xaalada Dalka, waana wafdigii ugu horeeyay ee baarlamaan Afrikaan ka socda ay yimaadaan Muqdisho.


 

 

 

Source: Radio Muqdisho

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS