HODITAANKII SHACABKAA WELI LA WADAA.

Khatumo la idiin kama fadhiyin Taleex ayaan diyaarad ku nimi ,waxaad weli ku socotaan manjara habaabintii hore iyo dadka ka weeciya  xisaabtan waxaad u doonteen iyo waxaad u qabateen.

Waan ognahay,idina waad aragteen iska  daa wax ka weyn , inaan 1 shaqaale ahi joogin, inaan 1Foosto ahi oollin, inaan 1majarafad ahi oollin, inuu  gawaan cidla yahay Garoonka Taleex, taasi wax weyn ma aha Credit idiin noqonmayso ,diyaaraduhu meel  kasta waa fadhiisan karaan , waxay fadhiisan jireen Holhol,Geedo-Qarsay iyo Durdurka dhexdooda,Gola-yeedhay oo ahayd meeshii gargaarkii 1974kii laga raray,waxay fadhiisan karaan oo kale Dhoodi oo dhan, Xaysimo oo dhan,Bancadde, Taleex iwm , ma Hindi baanu nahay mise 1991kii baanu dhalanay, haddaad diyaarad Taxi ah soo kiraysateen,Taxigu meeshaad doonto ayuu ku geyn karaa.

Su’aashu waxay tahay sannad bili ka dhimantahay ayaad Xamar fadhideene maxaad ka keenteen? Hadla oo wax sheega “Nin la sugayow adna yaad sugi” Taleex baa diyaaradi na keentay guul ma ahee,af dadwaaweyna ma ahee,Taleex  daynkii hore ayey la ciirciiraysaye ma u wadaan.

Waan ognahay oo waxba ma sidaane,dagaal iyo xorayn diyaar ma u tihiin,dareen cusub iyo danta diyaar ma u tihiin, ma ku soo  talo gasheen inaad dadka maqashaan oo riyada maalinimo iska daysaan, waxaa la yidhi “REVEAL THE TRUTH IT’S NOT AN  ATTACK” runta oo la sheego ma aha cid baad u jeedaa ama u dan leedahay.

Garaad,saw idinkii lahaa labada cadow ee hareeraha naga xigaa faraha ha naga qaadeen, maxaa keenay inaad ka cabataan Faroole iyo Abdisamad,illayn Galkacayo iyagaa xukuma, haddaad illowdeen waa meesheeda,cadowga kalese ma isku daydeen inaad ka soo degtaan, mid baan idin xasuusinaya wixii aad lahaydeen sannadkaa dhan waa qoranyihiin,waana la hayaa.

Khatumo,waan ognahay dadka aad la hadlaysaan ee aad indho sarcaadinaysan waa dadka warma qabtada ah{low informed people} ee farriimaha loo soo dhigo Webside yada iyo Idaacadaha qaarkood ee daacada ah,ee iska leqa Xeedhadii Fandhaalka loo daroba.

Waxaan idin ogaysiinaynaa Khatumo,qof Illaahay abuuray oo kala goyn kara Taleex iyo Garowe, Buhoodle iyo Galkacayo,Lasanod iyo Garowe,Buhoodle iyo Garowe ma jiro, waa inaad sidaa biyaha ku cabtaan, waqti adag oo xannuun badan ayaad Dhulbahante geliseen, wuuna ka baxayaa insha-Allaah dhakhso.

Isku soo wada duuduub 2-3 cisho ee soo socda warkiinaa la dhowrayaa run iyo riwaayad tuu ku arooro.

 

BY Abdirizak Dalmar

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS