Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sh. Mohamud oo Nairobo tagay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal-ka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  manta ka degay Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Madaxweynaha  Somaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibabi, iyo madax kale oo ka tirsan xukuumada Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay yeeshaan Kulan ay ay uga wada-hadli doonaa xiriirka labada dal, ammaanka iyo qorshaha IGAD ee ku wajahan xasilinta Soomaaliya.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa la filayaa inay ka wada-hadlaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka al-Qaacidda, iyadoo la rajaynayo in heshiis is afgarad ah ay ka yeeshaan qorshaha IGAD ee Soomaaliya oo in muddo ah uu muran ka taagnaa.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa  warbaahintan u xaqiijiyay booqashada madaxweynaha ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aaminsan in qorshaha IGAD ee xasilinta Soomaaliya ay hormuud ka noqoto dowladda Soomaaliya, waxaana heshiiska labada madaxweyne la sheegay inay arrintaasi saldhig u tahay.

Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweynaha Soomaaliya booqasho ku yimaado dalka Kenya tan iyo markii xilka loo doortay bishii September ee sanakan.

 

 

SONNA

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS