Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo safar Shaqo ku joogo dalka Kenya ayaa Jaaliyadda Soomaalida ee Kenya u sharaxay heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxweynaha Kenya.
Kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayuu uga warbixiyay heshiisyadii ay kala saxiixdeen labada madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Mowaay Kibaaki ,kaasoo salka ku hayay Iskaashiga caalamiga ah iyo xiriirka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya labada dal iyo tan shacab soomaaliyeed iyo Kenya.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in shacbiga Soomaalida ee Kenya ku nool in aad looga tixgaliyo,, isagoo Jaaliyadda u ifiyay waxa keenay dhibaatooyinka maalmahan soo laab-laabtay sabab u ahaa.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowadda Kenya ay kala hadleen dadka Qaxootiga Soomaalida ah ee la sheegay in Soomaaliya dib loogu celinayo, isagoo tilmaamay in arrintaasi iminka aysan suurtagal aheyn, maadaama dadkaasi Qaxootiga ah ay helaan tasiilaadkii ay u baahnaayeen, sidaa datreedna aan dib loo celin karin inta dowladda Soomaaliya ay uga diyaarineyso Imkaaniyaadka ay u baahan yihiin.
Kulanka uu madaxweyne Xasan sheekh laqaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu la yeesho,waxayna rajo gelisay khudbadiisa dhammaan Soomaalidii ku sugnayd Magaalada Nairobi Taasoo maalmihii ugu dambeeyey ay dhibaatooyin kala kulmayeen Ciidamada Booliska ee Dalka Kenya kadib markii qaraxyo isadaba joog ah ay ka dhacayeen gudaha dalkaasi gaar ahan xaafada ay soomalida ku badan tahay ee Islii.
SONNA
