Madaxweynihii Hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xersi oo Goordhow Ka Degey Boosaaso

War goordhow naga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xersi (Cadde Muuse) iyo xubno ka mid ah qurbejoogta Puntland ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Jen Cadde Muuse oo mudo ka maqnaa dalka ayaa saaka ka soo kicitimay magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta, waxaana lagu wadaa inuu ka warbixiyo ujeedada socdaalkiisa Puntland, iyadoo waqti ka yar 20 cisho ay ka harsan tahay waqtiga xilka madaxweyne C/raxmaan Faroole.

Qeybha bulshada Boosaaso iyo dadweyne fara badan ayaa Jen Cadde Muuse ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana illaa saaka wadada dheer ee iskuxirta garoonka diyaaradaha iyo magaalada lagu arayey gaadiid la suray sawirada Jen Cadde Muuse oo ku sii jeeda garoonka si ay wafdiga ugu soo dhoweeyaan.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah waxaa lagu wadaa in Jen Cadde Muuse uu kulamo la qaato waxgaradka iyo qeybaha bulshada Puntland ee ku sugan Boosaaso, kadibna uu gaaro magaalooyinka Qardho iyo Garowe oo ay hadda iskugu urueayaan isimada Puntkand oo dhowaan shir halkaasi uga furmi doono.

Maamulka Puntland oo horey xayiraad u saaray imaanshaha siyaasiyiinta dhaliilsan mudo kororsiga ayaan weli ka hadlin imaanshaha Jen Cadde Muuse, waxaana horey magaalada u yimid Jen C/laahi Siciid Samatar iyo siyaasiyiin kale oo si weyn udiidan mudo kororsiga madaxweyne Faroole

XIG RXB

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS