Meydad kale oo dheeraad ah oo laga helay xeebaha Gobolka Bari

Meydadka lix qof oo hor leh oo ka mid ahaa tahriibayaashii ay doonidu kula degtay gobolka Bari ayaa maanta la helay, waxaana la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada booliiska iyo xubno ka socda Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ku guda jira baadi-goobka dadka wali lagu la’ yahay xeebaha gobolka ee doonta saarnaa ayaa ku guuleystay inay meydad cusub ka helaan meel u dhow halkii ay doontu markii hore ku qalibmatay.

Meydadka 18 tahriibayaal ah ayaa shalay la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaas, waxayna tirada dadku ku dhintay doonta qalibmatay ka dhigeysaa 24 qof.

Doonida oo ka baxday deegaanka Mareere oo 18 KM bari kaga beegan Boosaaso habeenkii Axadda ayaa sida wararku sheegayaan ku qalibmatay meel 30 Mayl badda gudaheeda ah, waxayna siday 60 qof oo tahriibayaal ah oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

Meydadkii shalay la geeyay isbitaalka ayaa isugu jiray 11 dumar iyo 7 rag ah, iyadoo shilkan ka soo badbaadeen afar qof, waxaana la la’ yahay 32 ka mid ahaa dadkii doonta la socday.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli maamulka Puntland oo kaashanaya hay’ado samafal ah uu wado tallaabooyin looga hor-tagayo qulqulka tahriibka oo ku badan deegaannada uu maalmulkaasi ka arrimiyo.

 

 Bar-kulan

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS