Sidee u aragtaan Somaliyey shirkii saddexda hoggaamiye ku galeen magaalada Jabuoti ee lagu dambabasayey ama lagu hoos qarinayey xusitaankii 40th guuradii qoritaankii Afka Somaliga, shirkaas oo ahaa mid qabyaalad cadi ku taaley, laakiin Buste la saarayey, laguna soo noolaynayey Xisbigii IRIRISMKA ee lixdamaadkii shaqaynwaayey. Haddaba Afka Somaliga ma Irirka keliyaa ku hadla? Aaway Somalidii kale ee iyana Af Somaliga ku hadasha? Maxaa iyana madaxdooda loo casuumiwaayey? Timir laf baa ku jirta!!! Bal aan is weydiino ma anigaa qabyaalad ku hadlaya ,mise iyagaa qabyaaladda wada? Imisa jeer ayaa madaxwenuhu khaldamayaa?? Dawladda Federaalka ah ee Somalia iyo Dawladda Jabouti ma dawlad bay u citiraafeen Somaliland? Hadday taasi jirto iska wata hawlihiina, haddaanayse jirin waayo loo casuumay Somaliland oo qudha? Waxaan taa ka leeyahay hurdaayow toos,toos,toos!!! Waxaan rabi lahaa inaan madaxweynaha dawladda Federaalka Hassan Sheikh weydiiyo qoritaanka Afka Somaligu ma Jabouti buu ku dhashay,mise Xamar? Hadduu Jabouti ku dhashay iska wado hawlahaaga, hadduuse ku dhashay Xamar adigay ahayd inaad casuunto oo ay kuu yimaadaan, waa haddii aad ahaan lahayd madaxweyne Somaliyeed oo daacad ah, laakiin waad ka baaqsatay hankii iyo masuuliyaddii ummadda Somaliyeed kuu dhiibatay, adigaana hog dheer ku tuuray, sidaasna Somaliyi kuma heshiin karto kumana midoobi karto. Shirkaa wada tashiga iyo bahoowga ahaa Radarku waa saaraa, wuxuuna iila muuqday Oodo aan is lahayn oo laysa saarsaarayey, anigu garanwaayey Xusid Munaasibad Qaran oo gurigeeda la gala tegey oo dal kale lala aaday!!!!! Waxayna taasi u dhigantaa Canada oo tiraahda 4thJuly oo ah maalintii Canada xornimada ka qaadatay dawladda Britishka lagu xusimaayo Canada ee Maraykankaa lagu xusayaa……… Ninkii la khaldow ama khaldamayow soo noqo oo xaqiiqada wajah,oo marba geed ha fuuline ka soo daadeg oo runta arag, wixii soconwaaya waa laga gudbaaye,” marmar baa waxaad khayr moodaysaa shar kuu yahay” Khatumo shar bay inagu noqotaye aan hore uga dhaqaaqno, Dhulbahante waa qoys,qoysna meel keligii isma taagi karo nadaamkan Federaalka ee la qaatay, ninkii qabyaaladi haysow kuu suurtobi mayso ee haddaad raganimao kugu jirto*mugdiga ka soo bax oo iftiinka u soo bax*.
Dhulbahante dad xun ma aha,laakiin madaxdaa ka xun noocay doonaanba ha ahaadeene, maankaa guracan meeluu Xero dhigandoono la garanmaayo waa inaad garataan gacalkayow, ninkii Puntland ka soo horjeeda waa nin ka soo horjeeda Midnimadiina,Jiritaankiina,Xooggiina waana cadowgiina,waxba yaan marmarsiinyo Baruuro Fudleyn Fandhaal la idiin darine, kuwa Khatumo ku dheganow, ma dhaantaan kuwaad dhaleecaynayseen, maal gurashana carar uun baa ka dambeeya.
Waa Inoo Guul iyo Gobanimo.
By Abdirizak Dalmar
