Wasiirka difaaca dalka oo lagu soo dhaweeyey magaalada Jowhar

Wasiirka difaaca ee dalka  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, iyadoo ay socdaalkiisa ku wehlinayeen taliyaha ciidamada XDS, taliyaha howlgalka ciidamada AMISOM saraakiil ciidan iyo wariyeyaal.

Mudane C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi Wasiirka difaaca dalka oo la hadlay Radio Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in shacabka reer Jowhar ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen wafdigii maanta gaaray halkaasi, waxa uuna intaasi raaciyay in uu ku faraxsanyahay socdaalka uu ku tagay Jowhar.

Mudane Fiqi ayaa carabka ku dhuftay in qorshaha ciidamada uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Buula Barde iyo sidii ay iskugu furi lahaayeen dhammaan wadooyinka isku xira caasimada iyo gobollada dhexe ee dalka si shacabka ay ugu noolaadaan ammaan.

Kormeerkan uu maanta ku tagay Wasiirka Gaashaandhigga dalka iyo saraakiisha ka waada tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa imaanaya wax ka yar mudo laba maalin ah ay ciidamada dowladda gacanta ku hayaan magaalada Jowhar waxaana booqashada Wasiirka uu noqonaysaa mid dhiiri-gelineyso ciidamada u istaagay difaaca dalkooda.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS