Xildhibaannada Baarlamaanka oo loo qaybiyay Miisaaniyadda iyo Guddi loo saaray heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Xidhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo qaybiyay maanta sharciga maamulka maaliyadda dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena uu guddoomiyaha baarlamaanka magacaabay guddi dib u eegsi kusoo sameeya heshiis dhinaca milateriga ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] waxaana soo xaadiray 146 mudane, isagoo ka dalbaday xidhibaannadu ay isla berri talooyin kasoo bixiyaan miisaaniyadda dalka.

Miisaaniyadda loo qaybiyay baarlamaanka ayaa waxay dowladdu ku shaqeyn doontaa hal sano ee soo socda, iyadoo buugga maanta loo qaybiyay xildhibaannada uu sharraxaad ka bixinayo halka uu dhaqaaluhu ka imaanayo iyo sida kharashaadka loo isticmaalayo.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo dib u eegsi kusoo sameeya heshiis dhinaca milateriga ah oo dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo uu guddoomiyuhu inay u soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga uu magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay kala yihiin:

1. Xidhibaan Jen. Muuse Xasan Cabdi
2. Xidlhibaan Jen. Axmed Geeddi Jimcaale
3. Xidlhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush)
4. Xidhibaan Admiral Maxamed Maxmauud Xayd
5. Xidhibaan Jen. Bashiir iyo
6. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in inta aanu baarlamaanku fasax gelin ay dhameystiri doonaan ajandayaasha horyaalla si ay u galaan fasax iyagoo aanu u oolin ajande ka sugaya ka doodis iyo cod u qaadis.

XIG HOL

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS