Shirweyne ay Beelaha Tanade uga tashanayeen dhismaha waddada isku xirta Galdogob iyo Gaalkacyo ayaa maanta ka dhacay magaalada Minneapolis ee xarunta gobolka Minnesota.
Shirweynaha oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tira badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ay bulshadu isugu jirto ayaa waxaa warbixin aad loogu riyaaqay ka soo jeediyey Mudane Cabdulqaadir Khaliif Xaashi oo 15 sano ka hor ka tagey dalkaan Maraykanka horumar weynna ka sameeyey degaannada Puntland ee uu muddadaas ku noolaa.
Mudane Cabdulqaadir wuxuu ka war bixiyey waxtarka ay waddadaanu u leedahay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulsha Gobolka Mudug iyo bulshada ku nool degaannada Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia iyo sida waddadu ay wax weyn uga baddeli doonto nolosha dadka dhinac walba.
Mudane Cabdulqaadir Khaliif wuxuu Beelaha Tanade ugu baaqay in ay bilaabaan waddada si beelaha kale ee degaanka iyo kuwa soomaaliyeedba ay uga qayb qaataan. “Markii aan innagu dhismaha bilowno oo shaqadii oo socota la arkayo, ayaan gacan waydiisan karnaa dadka kale ee deegaanka inala deggan iyo Soomaalida kaleba” ayuu yiri Cabdulqaadir Khaliif.
Wuxuu gaar ahaan Cabdulqaadir Khaliif ugu baaqay Jaaliyadda Reer Tanade ee Gobolka Minnesota in ay hormuud u noqdaan mashruucaan oo ay ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay afar malyan iyo siddeed boqol oo kun, ayna ka qaataan qaybtoodii libaax ee looga bartay ee ay mar walba ka qaadan jireen mashaariicda lagu horumarinayo dalka iyo dadka si markaas ay ugu daydaan dalalka iyo magaalooyinka kale.
Dadkii ka hadlay shirweynaha ayaa dhammaantood aad u soo dhaweeyey mashruuca, waxayna uga mahad celiyeen Mudane Cabdulqaadir Khaliif hawsha wanaagsan ee uu ummadda u hayo, waxayna aad ugu ammaaneen waxqabadkiisii shan iyo tobankii sano ee uu dalka joogey iyo horumarkii uu ka muujiyey deegaannadii uu ku noolaa ee Puntland sida dhismaha Isbitaalka Prof. Yusuf Xirsi ee Galdogob iyo korontada joogtada ah ee taariikhda markii ugu horreysey uu ka hirgeliyey magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob taas oo qayb weyn ka ah horumarka labadaas magaalo maanta ka muuqda.
Aad iyo aad ayaa Reer Minneapolis usoo dhaweeyeen mashruuca waxayna ballan qaadeen in ay dhaqaalaha ugu badan bixin ku bixin doonaan. Waxayna odayaalka iyo Waxgaradka Beelaha Tanade ay ugu baaqeen beelaha degaanka, kuwa deriska ah iyo dhammaan ummadda soomaaliyeed in markii Reer Tanade ay waddadaan bilaabaan aan loo kala harin oo laga wada qayb qaato maadaama ay waddadaani adduun iyo aakhiraba na anfici doonto adduunkana la wada intifaacsan doono, sidoo kalena uu dhismaha waddadu yahay SADAQA JAARIYA aan wada intifaacsan doonno maalinka danbe.
xog rbc






























