Waxaa markii ugu horeysay maanta hawada laga saaray bog ay kooxda Al Shabaab ku lahayd Twitter-ka oo ay ku baahin jireen war saxaafadeedyada iyo sawirada ay soo bandhigaan.
Bogga ayaa xalay hawada ku jiray, waxaana shalay laga daawaday sawirada illaa lix ruux oo u dhashay wadanka Kenya Kuwaasi oo ay kooxda Al Shabaab soo afduubeen bilawgii sanadkii hore, waxayna raggaasi maxaabiista ay ka soo muuqdeen muuqaal film ah oo ay ka soo duubeen Al Shabaab iyagoo codsanaya in laga badbaadiyo dil ay Al Shabaab ku fulin doonto.
Bilawgii bishan waxay kaloo Al Shabaab isla boggan twitter-ka ku soo bandhigtay sawirada askari Kumandoska Faransiiska oo ay ku dileen weerar labo toddobaad ka hor ciidamo Faransiis ah ka fuliyeen degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo iskudhac uu ku dhexmaray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada Faransiiska ee ku raadjoogay askari kale oo horey Al Shabaab uga afduubeen Muqdisho.
Baaqyo hore
Illaa hadda shirkadda iska leh Twitter-ka kama hadlin xiritaanka boggaan ay adeegsan jireen Al Shabaab. Waxaana kaliya awood u leh in bogaga bulshada ay xiraan waa shirkadaha maamula, sida Facebook, Twitter iyo LinkedIn oo ah baraha ay dadka isku hadlaan.
Hase yeeshee wariyaha Raxanreeb oo adeegada Twitter-ka ayaa sheegaya in tan iyo markii sawirada meydadka askariga Faransiiska la soo geliyey bogga twitter-ka ay jireen baaqyo ka imaanayey dadweynaha adeegsada boggaga bulshada oo Twitterka ku jiro kuwaasi oo sheegayay in cinwaanka Al Shabaab ee ahaa @HSMPress uu ku xadgudbayo xoriyatul qawlka ka dib markii uu soo bandhigay muuqaalka meyd askari Faransiis ah. Sidoo kalw waxaa jiray warar sheegaya in dawlado badan ay ku cadaadiyeen shirkadda Twitter inay hawada ka saarto bogga Al Shabaab.
Waxaa jirtay in 14-kii bishan Jannaayo markii sawirada meydka askariga Faransiiska la soo geliyey bogga Al Shabaab in maalin ka dib laga xiray dadka daawashada sawiradaasi, iyadoo farriin ka timid shirkadda Twitter-ka ay ka soo muuqaneysay isla sawirada halka ay ku jiraan.
Sidee Al Shabaab u adeegsan jirtay boggan?
Kooxda Al Shabaab ayaa dhamaadkii sanadkii 2011 hawada gelisay markii ugu horeysay boggaan @HSMPress kaasoo soo jiitay in ka badan 20-kun daawadayaal oo toos ugu xiran boggaan kuwaasoo u badan wariyaal iyo dad kale oo aalaaba la socda dhaqdhaqaaqa dhanka warbaahinta ee kooxda.
Al Shabaab waxay bogga u adeegsan jirtay baahinta war saxaafadeedyada ay u soo bandhigeyso caalamka, sawirada dadka ay qabtaan ama ay dilaan ee ajnabiga ah iyadoo sidoo kale ku soo bandhigi jiray guulaha ay ka sheegtaan dagaalada ay kula jiraan dawlada Soomaaliya iyo Amisom.
Boggan ayaa isugu jiray dhowr qeybood oo lagu qoro afaf kala duwan sida Ingiriis, Faransiis iyo Carabi. Waxaa sidoo kale jiray farriimo ay ku soo jireen afka Sawaaxiliga oo ay soo dhigi jireen isla boggan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al Shabaab, waxaase jiray in horey loo xiray bogag internet oo ay kooxdu lahaan jirtay sida boggii Al Kataaib.
