Daawo Sawirro: Madaxweyne Xassan oo Minneapolis looga Mudaharaaday

Waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ka dhacay dibadbax ay ka dhigeen qaar kamid ah qurbajoogta Soomaalida ee isla Gobolkaas, dibadbaxayaasha waxa ay ka soo horjeedeen Siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan SH.

Dibadbaxa ayaa waxa uu ka dhacayey halka lagu magacaabo Minneapolis Convention Center oo uu Madaxweyne Xassan kula kulmayey isla Jaaliyada Soomaaliada ee Minneapolis oo halkas aad u soo camirtay .

Yaasiin Cali SH Maxamuud oo kamid ah dadka halkaas ku dibadbaxayey ayaa saxaafada u sheegay in ay gaarayaan ilaa 1000 qofood markaas, ayna filayaan in dibadbaxayaal kale ay kusoo biiraan oo ay basas u direen .

“Waad u jeedaan daartaan albaabo badan bey leedahay albaabkaan oo qurana waxaa hada ku sugan 300 qof oo dibad baxayey albaabada kalena waa la jooga oo waa lagu muduharaadayaa Madaxweynaha waxaan kasoo horjeednaa siyaasada Madaxweynaha Soomaliya uu gobolada dalka ku kala xigsanayo waxaaba ugu daran madaxweynuhu waxa uu sicad u sheegay in aan laga maarmeen waxkabadalka dastuurka mudada dheer la isku heystay kadibna si kumeel gaar ahaan ah ay soomaalida iskugu waafaqday” ayuu Yaasiin Cali SH Maxamuud oo kamid ahaa dadka ka banaanbaxayey.

Madaxweyne Xassan SH isaga oo la hadlayey marti sharaf Soomaliyeed oo gaareysay 3000-3500 qofood ayaa waxkama jiraan ku tilmamay eedeenaha ay u jeediyeen Dibadbaxayaasha waxa uuna dalbaday in ay wada hadlaan uuna diyaar u yahay in uu qanciyo dibadbaxayaasha.

Waa markii ugu horeysay ee jaaliyada Soomaalida ee gobola Minnesota ay ku muduharaado Madaxweyne Soomaaliyeed

Mudaraadayaasha oo saxaafada la hadlay Halkaan ka dhageyso

Madaxweynaha oo u Jawaabaya Muadaharaadayaasha Halkaan ka Dhageyso

Halkudhega Mudaharaadayaasha halkaan ka Dhageyso

 

Photobucket Photobucket Photobucket Photobucket Photobucket Photobucket Photobucket PhotobucketPhotobucket Photobucket Photobucket Photobucket

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS