Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Fadhiyo Mareykanka oo is Casilay

Ra’yi-ku-kala-duwanaasho dhinaca istiraatajiyada siyaasadeed awgeed waxaan go’aansaday in aan iska casilo xilkii aan soo waday mudo ku dhaw seddex sanadood ee ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Fadhiyo Mareykanka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumada wax xumaan ah haba yaraatee nama dhex taal, cadaawana nagama dhexeyso, mucaaradna kuma ihi, tartan siyaasadeedna kulama jiro. Mabaadi’di aan xukuumadi ka horeysay kula shaqeynayay ayaan ayagana kula shaqeeyay. Kuwaas oo ah “Waan idin taageeraa inta aad xaqa ku taagan tihiin; waan idin waaninaa hadii aad qaldantihiin; waan idinka hor imaanaa hadii aad gardaro u bareertaan. Adinkana intaas ayaan idinka filaa”

Aniga iyo dowlada weli dan guud ayaa naga dhexeyso sida dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka. Wadankana waa noo wada baahanyahay. Sidaas darteed waxaan balan qaaday in aan la shaqeeyo shaqsiga uu Madaxweynaha soo magacaabo inuu la wareego xilkan. Waxaa kale oo aan balan qaaday in wixii la iiga baahdo oo sedexda “D” oo kor ku xusan wax taraayo aan si daacadnimo ah ugu shaqeeyo.

Nabad iyo Guul, insha-Allah.

Abukar Carmaan

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS