FADEEXAD: Dacwadii Loo Heystay Wariye C/casiis Koronto oo Maanta Markale La Fashiliyey Iyo Xubno Ay Qaraabo Yihiin Madaxweynaha Iyo Taliyaha Booliska oo Loo Keensaday Markhaatiyaal

Markale ayaa maanta taliska booliska dawlada federaalka Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha guud iyo saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha ku guuldareysteen inay maxkamada horgeeyaan wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim “Koronto” oo mudo ka badan 19 maalmood u xiran booliska iyo afar ruux oo kale oo dhamaantood lagu eedeeyay inay soo bandhigeen kiis kufsi ah oo ay geysteen ciidamada dawlada. Maanta [Talaado] ayaa xabsiga dhexe laga soo saaray wariye Cabdicasiis, haweeney lagu eedeeyay inay u warantay wariyaha oo lagu magacaabo Luuley, seygeeda oo lagu magacaabo Muxyidiin, gabar lagu magacaabo Faadumo iyo ruuxa afraad oo ah wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo Cabdirisaaq kuwaasoo iyaguna lagu eedeynayo inay isku xireen wariyaha iyo gabadha dhibanaha ah. Markii haddaba la keenay maxkamadda ayaa waxaa ka warheley qareenkii u doodayey wariyaha iyo dadka kale ee la xiran. Qareenka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Afrax ayaa hor istaagay in dacwad uusan ogeyn la furo maadaama ay sharci tahay in dadka uu difaacayo in marka la maxkamadeynayo lagu soo wargeliyo, waxaana dood ka dib garsoorihii maxkamadda gobolka Banaadir uu aqbalay dooda qareenka, sidaas ayaana lagu baajiyey maxkamaddii maanta. Haddaba maxaa ku soo kordhay dacwadan? Dacwadan oo soo taagneyd tan iyo 10-kii bishan Jannaayo ayaa sida dad badan ogaayeen, waxaa ay ku saabsaneyd wariye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto oo lagu eedeynayey inuu wareystay haweeney la kufsaday [siday sheegatay] isla markaana wareysigaasi uu ka baxay Al Jazeera balse isaga iyo Al Jazeera ay diideen eedeyntaasi. Eedeysanayaasha xirnaa waxay kala ahaayeen; 1- Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto; waxaa la xiray 10/01/2013, waxaana lagu eedeeyey inuu wareystay haweeney sheegatay kufsi been ah. 2- Luuley; oo la xiray 11/01/2013 laguna eedeeyay inay ahayd gabadhii sheegatay kufsi [been ah siday boolisku qabaan]. 3- Muxyidiin; oo la xiray 11/01/2013 oo ah seyga ay u dhaxdo Luuley oo isaguna lagu eedeeyay inuu soo sheegi waayey dhibaatada xaaskiisa ku dhacday. 4- Faadumo; oo la xiray 11/01/2013 laguna eedeeyay inay xiriirisay wariyaha wareysiga qaaday iyo haweeneyda la wareystay. 5- C/risaaq; oo la xiray 11/01/2013 oo ay deris yihiin reerka kufsiga ku dhacay, isaguna waxaa lagu eedeeyay inuu xiriiriyey qoyska dhibaatada kufsiga ku dhacay iyo wariyaha. Waxaa kaloo eedeysanayaasha ku jiray laakiin aan la soo xirin; Nuurto Sheekh Maxamuud (oo la dhalatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud) oo ah madaxa NGO maxalli ah “SFCC” oo caawiya dumarka la kufsado, waxaana lagu eedeeyay in Nuurto Sheekh Maxamuud ururkeeda uu caawiyey gabadha la kufsaday ayna soo sheegi waayeen. Sidoo kale waxay booliska soo eedeeyeen (laakiin aan la xirin) Muniiro Jeylaani Maxamed oo ka tirsan ururka SFCC ahaydna gabadhii isbitaalka geysay haweeneyda la kufsaday. Muniiro Jeylaani waxaa awoowe saddexaad u ah taliyaha booliska Jen Shariif Sheekhuna Maye. Heerarkii dacwada Taliyaha booliska Jen Shariif Sheekhuna Maye. Bilawgii dacwadan ayaa waxaa marar badan isku maandhaafay masuuliyiin kala duwan oo hay’adaha dawlada ka tirsan, waxaase jirtay in dhammaan dadka eedeysanayaasha ah loo wada arkay inay isku mid ka yihiin kiiskan. Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo ka hadlay kiiskan ayaa sheegay in haddii saraakiisha hay’adaha booliska iyo baarista ay wax cad keeni waayaan iyaga la weydiin doono sababta ay dadkaan u xireen. Sidoo kale waxaa jira welina socda cadaadis gudaha iyo dibadda ah oo lagu doonayo in dawlada lagu garowsiiyo in waxa xariga iyo baarista u baahan ay tahay dadkii dembiyada kufsiga u geystay dumarka laakiin aysan ahayn kuwa soo wariya dembiyada. Haddaba maxaa soo kordhay? Waxaa yaab leh in markii ugu horrreysay in dhanka Xeer Ilaalinta iyo booliska oo kiiska qeyb ka ah ay meesha ka saareen labada eedeysane ee dambe ee kala ah; Nuurto Sheekh Maxamuud oo ah haweeneyda la dhalatay madaxweynaha iyo Muniiro Jeylaani Maxamed oo uu awoowe u yahay taliyaha booliska Jen Shariif Sheekhuna Maye. Waxaase markii ugu horreysay maanta Xeer Ilaalintu ku dhawaaqday in labadaasi “eedeysane” Nuurto iyo Muniiro ay yihiin markhaatiyaashii ku cadeyn lahaa dembiga wariyaha iyo afarta ruux oo kale!! Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/kariin Xuseen Guuleed. Sababta sidaasi loo yeelay illaa hadda ma cadda laakiin dad sharciyaqaano ah ayaa sheegaya in haddii taliyaha booliska, taliyaha dembibaarista iyo wasiirka arrimaha gudaha ay ku guuleysan waayaan kiiskan inay dusha u saaraan wariyaha iyo afarta dhibbane ee kale in markaasi ay suurtagal tahay in iyaga kiiska dib loogu soo celiyo, sidii uu amray raysul wasaare Saacid iyo madaxweyne Xasan Sheekh markaasina ay dhici karto inay masuuliyiintaasi xilalkooda waayaan waana taas mida keeneysa in geed dheer iyo mid gaaban-ba loo fuulo sidii dembi loogu yeeli lahaa dhibanayaasha xiran!. xog rbc

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS