Madexweyne ku xigeenka dawlada Puntland Ge\n C/samad Cali Shire ayaa maanta furay Wajigii labaad ee Barnaamijka horumarinta degmooyinka Puntland ee loo yaqaano JPLG, xafladda oo lagu qabtay PDRC ayaa waxaa kele oo ka qayb-galay xubnaha labada gole ee dawlada, qaar ka mid ah Masuuliyiinta degmooyinka Puntland, masuuliyiin ka socotay hay’adaha ku bahoobay barnaamijkan JPLG iyo marti sharaf kele.
Madexweyne ku xigeenka dawlada puntland C/samad Cali Shire oo hadal ka jeediyey xafladan ayaa ku dheeraaday ahmiyada barnaamijkan horumarinta degmooyinka Puntland,wuxuuna u mahad celiyey hay’adaha QM ee barnaamijkan gacanta ka gaysanaya,horumar muuqda ayuu xusay in laga dareemayo degmooyinka barnaamijka laga fuliyey.
Madexweyne ku xigeenku dhinac kele sheegay iany rajaynayaan in xukuumada Puntland wakhtiga u dhiman ay ku hirgalin doonto nidaamka dimoqraadiyada,kaasoo looga gudbayo qabkii wax qaybsiga qabiilka.
Madexweyne ku xigeenku wuxuu hay’adaha Barnaamijkan ku bahoobay uu ku booriyey in barnaamijkani laga qayb galiyo degmooyin kele,gaar ahaan degmooyinka laamiga ka baxsan si faa’idada barnaamijkani degmooyin kele ugu fido.
Barnaamijka horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG waxaa ku midoobay oo dhaqalaha ku baxaya bixiya 5 hay’adood oo ka tirsan QM, wajigiisii kowaad ee barnaamijkan ayaa guul ku dhamaaday,iyadoo degmooyinka laga fuliyey horumar laga dareemayo marka la eego wadooyinka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland C/laahi Siciid yuusuf ayaa ka shakeeyey marxaladihii uu soo maray mashruucan & sida looga faa’idaysatay wuxuuna tilmaamay in wejiga labaadna oo u hirgalayo si wanaagsan.
Barnaamijka JPLG ayaa ka socda toddobo degmo oo kala ah Boosaaso,Garoowe,Qardho,Gaalkacyo,EYl,Jariiban, Galdogob.
