Maamulka gobalka Banaadir ayaa mar kale ka hadlay dadka degan guryaha aysan lahayn eek u yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in guryo aanan la lahayn in leeska daganaado.
“Waxaan leenahay intii aad dagaanan kartaan waa daganaatee, intii ilmo aad ku dhali kartaan waad ku dhasheen, marka waa in aad ka guurtaan guryaha aadan lahayn,”sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir.
Sidoo kale gudoomiyaha gobalka ayaa ugu baaqay dadka gurayaha aysan lahayn xooga isaga heesay mudada dheer in ay cafis waydiistaan dadka isla lahaa guryahaasi oo ay ka heesteen mudadii uu bur burka jiray.
“waxaan leenahay odoyaasha iyo waxgaradka ka masuulka ah dadka degan guryaha islaameed ku dhiiragaliya dadkaan in ay baneeyaan gurayaha, inta aysan boolisku xoog kaga saarin”ayuu hadalkiisa ku soo daray gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir.
Hadalka Gudoomiye tarsan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili magaalada Mqudisho ay ka socdaan dacwado la xariira dhulal leesku heesto, waxaana magaalada ku soo laabtay dad mudo badan ka hor naftooda kala cararay wadanka.
xog rbc
