Madaxweynihii hore Puntland Jen Cadde Muuse Xersi oo beryahan ku sugnaa magaalada Qardho ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isagoo si weyn loogu soo dhoweeyay duleedka magaalada Gaalkacyo.
Wafdiga Jen Cadde Muuse Xersi oo ka soo ambabaxay magaalada Garowe oo uu xalay ku hoyday ayaa waxaa dadweyne, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka waxay uga hortageen halka lagu magacaabo Balli Abaar oo ah duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.
Wafdiga Jen Cadde ayaa markii magaalada ay gaareen waxay toos u abaareen hotelka Sugulle oo ay ka degeen magaalada, waxaana madaxweynihii hore Puntland Cadde Muuse uu si kooban ula hadlay wariyaashii hotelka ugu tagay.
“Aniga waxaan maanta imid Gaalkacyo waxaana u imid badbaadinta Puntland.” ayuu yiri.
“Waxan is arkeynaa odayaasha, maamulka, mucaaradka iyo waxgaradka nabada jecel ee Gaalkacyo.” ayuu sii raaciyey.
Wuxuu sheegay in ayaamo joogi doono magaalada Gaalkacyo uuna wadayo kulamo uu ugu yeeray “wadatashi”.
Warar ay heshay Raxanreeb ayaa sheegaya in Jen Cadde uu la kulmi doono nabadoonada iyo isimada gobolka Mudug, sidoo kalena uu la kulmi doono siyaasiga C/raxmaan Gablax oo ah musharax madaxweyne aadna u diidan waqti kororsiga xukuumadda Faroole.
Jen Cadde ayaa bishii la soo dhaafay ka soo laabtay wadanka Imaaraadka Carabta isagoo magaalada Boosaaso kula kulmay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo hadda waqtigiisu dhamaadka yahay iyo waxgarad reer Bari ah kuwaasoo ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee aadka u kacsan ee ka jirta Puntland.
Sidoo kale Jen Cadde Muuse ayaa magaalada Qardho kulamo kula yeeshay xubno mucaarad ah oo uu ka mid yahay Jen C/laahi Siciid Samatar oo ah musharrax madaxweyne, inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen.
Socdaalada Jen Cadde Muuse iyo kulamada uu ka wado gobollada kala duwan Puntland ayaa imaanaya xilli xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan waqti kororsiga madaxweyne Faroole ay sii cakirmeen isla markaana in ka yar shan maalmood oo kaliya ay ka dhiman yihiin mudada mucaaradku sheegeen in waqtiga madaxweynuhu ku eg yahay, taasoo Faroole uusan u muuqanin nin aqbalsan xog rbc
